Duqa magaalada London, Sadiq Khan, ayaa noqday qofkii ugu horreeyay ee abid ku guulaysta markii saddexaad ee xafiiska London, mid ka mida magaalooyinka leh taariikhda qadiimigaa ee caalamka.

Khan ayaa ka guuleystay musharaxa xisbiga Conservative-ka Susan Hall. Laakiin ra’yi aruurintii doorashada ka hor ayaa u muuqatay in Khan dhibco yar ka horeeyey ninka ay loolamayeen ee xisbiga Conservative, balse waxay u muuqataa in xisbigiisa Shaqaalaha iyo dadka reer London-ba ay isaga doorteen.

Sida laga soo xigtay guddiga doorashooyinka London, oo maamula doorashooyinka duqa magaalada iyo golaha deegaanka London, tirada codbixiyayaasha ayaa hoos u dhacday 1.5% kaliya marka loo eego 2021, oo ahayd ilaa 40.5%.

Kooxda Khan ayaa kalsooni ku qabtey in ay ku guuleysan doonaan tartanka kadib markii xisbiga shaqaalaha uu ku guuleystey doorashada gobolada Waqooyi-Bari iyo Galbeedka-Bartamaha ee magaalada London, in ka badan laba saacadood ka hor inta aan natiijada kama dambaysta ah lagu dhawaaqin.

Ballanqaadyadiisii ahaa caasimad “ammaan, cadaalad iyo cagaar ah” ayaa soo saaray taageerayaashiisa wuxuuna sidoo kale u muuqdaa inuu ku guuleystey inuu ku qanciyo cod-bixiyayaasha xisbiyada Green iyo Liberal Democrat inay ” amaahiyaan” taageeradooda inuu markale noqdo duqa magaalada iyagoo u codeynaya doorashooyinkooda caadiga ah ee London.

Sidoo kale guusha Khan, ayaa neefka ka soo saartay xisbiga shaqalaaha ka dib markii ninkan uu difaacday rikoorkiisa wanaagsan. Ballanqaadyada kale waxaa ka mid ah in Mr Khan uu soo bandhigay ballan qaad cusub oo ah in uu dhiso 40,000 oo guryo cusub ah dhammaadka tobanka sano – ogow, ma aha dhammaadka muddada afarta sano ah ee duqa magaalada.

Sadiq Khan

2016, Sadiq Khan ayaa u tartamay inuu noqdo duqa magaalada London, waxaana uu helay 57% codadkii la dhiibtay. Wuxuu noqday duqii ugu horeeyay ee Muslim ah ee London ee ka soo jeeda qawmiyadkii ugu horeeyay ee laga tirada badan yahay.

Sadiq Khan, ayaa mar kale loo doortay duqa London doorashadii ku celiska ahayd sanadkii 2021-kii isagoo ka adkaaday musharraxa Konserfatifka Shaun Bailey.

Mar kale sanadkan 2024, Sadiq Khan, ayaa dhigay rikoor an hore qof isaga oo kale ah ka dhigin London isagoo markii saddexaad oo xiriir ah ku guulastay doorashadii ka dhacday London.

Waa Aabbe leh hal xaas, Saadiya iyo labo gabdhood oo lagu kala magacaao Anisah and Ammarah.

Hadda wuxuu taariikh ka dhigay magaaladii aabihiis darawalka ka ahaa ee nolosha hoose ku soo qaatay carrunimadiisii.

 

 

bbcsomali