
Kani waa boarding pass kaygi ama kaadhki lagu fuulayay dayuurada Fly Dubai maanta oo ay bishu taahay 01 Novembe 25 Ayaan Dubai ka soo baxay waxaan sugayna inaanu fuulno dayuurada mar dhaw inshallah.Marka cid Fiise na weydiisay iyo wax carqalad ah oo aanu la kulanay ma jiraan dunidu waa nabad. Ciil qabayaashi Xamar qab qabla yaasha ka aha waa laga adkaaday xukumadu waxay ku shaqaynaysa siyaasad miyir qabta oon u baahnayn in la hanjabo iyo qaylo sida awgeed Xukumadu way shaqaysay waanay ka adkaatay nimanka ciilka qaba wax fiisa ah oo cidnaba la weydiinaya ma jirto.
Wadankeena waa lagu soo duulay cadawgeenuna wuu badan yahay laakin yaynaan inagu buun buunin dhibaato aan jirin. Waxaan ku talin laha dalka Madaxweyne ayaa loo doortay iyo xukuumadiisa ha loo daayo talada aynu sugno wax qabadkooda lama joogo xili la canaanto aynu Samir yeelano oo aynu talada u dayno Xukuumada. Waan Hambalyaynaya Wasaarada iyo wasiirka duulista sida ay u dadaaleen kuna guulaysteen in la muujiyo inaynu nahay wadan xor ah oo leh wixii looga baahna dawladnimo.
Adan Ahmed Elmi






