Amnesty International, ayaa warbixin ay soo saartay shalay oo Isniin ahayd ku sheegtay in Sacuudi Carabiya ay sanadihii u dambeeyay dil ku fulisay dad badan oo ajnabi ah oo ay ku jiraan Soomaali, gaar ahaan dambiyada la xiriira daroogada.

Hay’adda ayaa warbixinta ay soo saartay ku sheegtay in sanadkii la soo dhaafay ay gaartay heerkii ugu sarreeyay tirada xukunnada dilka ah ee lagu fuliyo dadka ajnabiga ah ee ay ku jiraan Soomaalida ee gudaha Sacuudiga loogu geysto sababo la xiriira dambiyada daroogada.

Sacuudi Carabiya ayaa dil qoor-goyn ah ku fulisay 345 qof sanadkii hore, waana tiradii ugu badneyd ee Amnesty laga diwaan geliyo soddonkii sano ee la soo dhaafay.

Hay’adda xuquuqul insaanka u doodda ayaa sheegtay in lixdii bilood ee la soo dhaafay oo kaliya lagu fuliyay 180 qof, waxaana suuragal ah in tiradaasi ay sare u kacdo.

Sacuudi Carabiya ayaa xukunka ku fulisay 1,816 qof intii u dhaxeysay Janaayo 2014 iyo June 2025, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dalkaas.

 

dilka geystay.

Si kastaba ha ahaatee, dhowr bilood ka dib sanadkaas, Sacuudi Carabiya ayaa bilaabay fulinta xukunka dilka ah ee shakhsiyaadka lagu helay dambiyada la xiriira daroogada iyada oo aan la sheegin wax sabab ah.

Sacuudi Carabiya ayaa ka mid ah dhowr waddan oo ku yaalla Bariga Dhexe ee fuliya xukunka dilka ah ee lagu fuliyo dambiyada la xiriira daroogada, oo ay ku jiraan Iiraan, Kuwait iyo Imaaraadka Carabta.

Muwaadiniinta ajaanibta ah iyo xukunnada dilka ee la xiriira daroogada

Daroogo

Xigashada Sawirka,.

Warbixinta ay soo saartay Amnesty International ayaa iftiimisay sida dadka ajaanibka ah loogu dilayo xaaladaha naxdinta leh ee dambiyada la xiriira daroogada.

Si gaar ah Amnesty waxay sheegtay in tobankii sano ee la soo dhaafay 155 Pakistaniyiin ah, 66 Suuriyaan ah, 50 Urdun ah, 39 Yemeni ah, 33 Masaari ah, 32 Nigeria u dhashay, 22 Soomaali ah iyo 13 Itoobiyaan ah lagu xukumay dil.

Intaa waxaa dheer, ajaanib badan oo kale ayaa halis ugu jira dhimasho.

Sanadkii lasoo dhaafay dhammaadkiisii, maxaabiis Soomaali ah oo ku xiran dalka Sacuudiga kuna xukunnaa dil ayaa dalbanayay in xukunka laga khafiifiyo, iyagoo loo heysto inay dalkaasi soo geliyeen daroogo.

Maxaabiistan oo xilliyo kala duwan la qabtay ayaa tiradooda lagu sheegay ilaa 50 qof.

Ehellada maxaabiistan oo dhalinyaro u badan oo qaarkood BBC la hadlay xilligaas ayaa sheegay in markoodii hore ay dalkaasi u tageen inay ka shaqeystaan. Lama hubo inay ku jiraan dadka xukunka dilka lagu fuliyay iyo in kale.