SAFARKA UU MADAXWEYNUHU ADDIS ABABA U TEGAY UMA BAAHNA QAYLO DHEER IYO ICLAAM.

Warbaahinta Somaliland iyo mucaaridka iyo muxaafidka intaba waxbaa iskaga qalddan u baahan in la dhawro.

Safarrada debedda markay dawladdu u baxdo waxay mucaarid iyo muxaafidba uga baahantay in la taageero oo cadowga faashiistaa ah la tuso inaynu isku duubanay, waa jaahilnimo weyn inaynu qaranka qaawinnaa oo aynu xogteenna banaanka soo dhignaa safarkan itoobiya waxa soo eegaya xogtiisa indhaha caalamka oo dhan, itoobiya waxay ilaashanaysaa danaheeda culaysna way ka diyaar garwday waxba kama qaldana.

Xaajada badhbaa la qarshaa oo huga la saaraa, waxa jirta shuruuc caalamiya oo u baahan in laga dhuunto taasaana dan u ah Somaliland, waxa indhaha innagu haya dawlado waaweyn oo ay iskaga xidhanyihiin dano farobadani, waa xidhiidh halistiisa leh oo u baahan in deggenaansho lagu wado laguna kalsoonaado hadbba dawladda joogta.

Madaxweyne cirro si kale u maaga laakiin markuu debedda u baxo wuxuu sitaa sharafteenii ee qaranimada halla dhawro oo yaan cadowga laga farxin.

MAHADSANID.
CABDI BACAW.
GUUL ALLE.
LONDON.