Safiirka Somaliland u fadhiya Israa’iil, Dr. Maxamed Xaaji, ayaa sheegay in kulamo siyaasadeed aysan go’aamin karin mustaqbalka Somaliland ama meesha ka saari karin taariikhdeeda, madaxbannaanideeda iyo rabitaanka shacabka.
Dr. Maxamed Xaaji ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in kulamada noocaas ahi ay sidoo kale saamayn ku yeelan karaan danaha istiraatiijiga ah ee dalalka muhiimka ah ee gobolka iyo kuwa Somaliland deriska la ah.
Safiirka ayaa sidoo kale dhaliilay in maamulka Muqdisho loo adeegsado sidii wakiil siyaasadeed oo ka dhan ah Somaliland iyo dalal kale oo uu sheegay inay saaxiib la yihiin.
Waxa uu intaas ku daray in tallaabadaas ayna shaqayn doonin, isagoo ku adkaystay in mustaqbalka Somaliland iyo rabitaanka shacabkeeda aan lagu go’aamin karin kulamo siyaasadeed.





