“Saldannada la Farogeliyay ee Subeer Awal waa mid fac weyn oo Somaliland wada leedahay” Cabdiqaadir Jirde

Hargeysa(Qaran news)- Siyaasiga Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, ayaa sheegay in saldannada Subeer Awal ay tahay mid soo jireen ah oo laga ducaysto.

Cabdiqaadir Jirde wuxuu sidaas ka sheegay xaflad xisbiga WADDANI ku soo dhaweynayey siyaasiga Cabdoo Aayir oo ka baxay xisbiga Kulmiye, waxaanu sheegay in saldannada Subeer Awal ay tahay mid Somaliland oo dhami wada leedahay, loona baahan yahay un farogelinta laga daayo.

“Markii quraanka la i qoray 1956kii waxa la is weydiin jiray quraanka, inta Suuratul Cabasa la i weydiiyay ayaan dudubiyay oo ka baxay. Markii aan dhammeeyay ayuu suldaan Diiriye madaxa ii sallaxay oo ii duceeyay. Ducadiinna wanigaa halkan ku soo gaadhay. Waxay ahayd saldanad laga ducaysto,” ayuu yidhi Cabdiqaadir Jirde.

Waxa kaloo uu ugu baaqay beesha Subeer Awal inay ogaadaan in saldannada taladeeda lala leeyahay.