Saliid Laga Baadhayo Afganistaan
Afganistan(Qaran)-Dawladda Afghanistana ee ay hoggaamiyaan Daalibaan ayaa bilawday inay saliid ka baadho ceelal ku yaalla waqooyiga dalkaasi sida ay sheegtay warbaahinta ay dawladdu maamusha
Wakaalada wararka ee dalka Afhganistan Bakhtar News oo soo xiganaysa Sii hayaha xilka wasiirka macdanta iyo shidaalka ee afghanistana SHeekh Shahaabudiin Delawar ayaa sheegtay in mudnaanta la siin doono shaqaalyasiinta muwaadiniinta xirfdlayaasha ah iyo dib udhiska dhaqaalaha dalka. Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyay munaasibad loo qabtay xadhig ka jarka ceelsha cusub ee laga qodi doono shidaalka.
Kadib markii ay awoodda dalkaasi ku soo noqdeen Daalibaan sannadkii 2021, waxa ay heshiis la gashay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo saliid ka soo saari doonta gobolka dhanka waqooyi ee Sar-e Pul.
Bishii koobaad ee sannakan, dawladd kumeel gaadka ah ee Daalibaan waxa ay sidoo kale heshiis 25 sano ah la saxeexatay shirkada shiinays ah si ay saliid uga soo saarto wabiga AMU Sidoo kalena ay horumariso guud ahaan hawlaha shidaal qodista ee dalkaasi.
Afghanistana ayaa lagu qiyaasaa inay ku fadhiso khayraad dihin oo ka badan 1 tirillion oo doolar kaasoo soo jiitay maalgashadayaasha shisheeye sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Bakhtar News Agency ee dalkaasi