๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐š๐ฒ๐›-๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐—๐ฎ๐ฌ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐ง๐š๐-๐ ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐š๐๐š ๐Ÿ‘๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐€๐š๐ฌ๐š๐š๐ฌ๐ค๐š ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š ๐‰๐’๐‹

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta ka qayb-galay Xuska Sannad-guurada 32-aad ee Aasaaska Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Munaasibaddan ballaadhan oo lagu qabtay Xarunta Taliska Guud ee Ciidamada Qaranka, ayaa ahayd mid loo soo agaasimay si heer sare ah oo casri ah, taasoo lagu maamuusay halganka, geesinimada iyo doorka lama illaawaanka ah ee Ciidanka Qaranka JSL ay ku leeyihiin Difaaca Qarannimada, Madax-bannaanida iyo nabadgelyada dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo munaasibadda ka jeediyey khudbad qiimo leh ayaa ugu horreyn waxa uu Allah SWT uga baryey in uu u naxariisto dhammaan Taliyeyaashii, Hoggaannadii, iyo Ciidamadii kala darajada duwanaa ee u geeriyooday Difaaca Qaranka, waxana uu yidhi:

“Waalidkii, Ubadkii iyo ooryihii ay ka baxeen, waxaan leeyahay Daljirku ma Geeriyoodo, waxa aad leedihiin taariikh aad ku faani kartaan, ubadkiinuna abaal ku heli doono, In Sha Allaah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si weyn u bogaadiyey Ciidanka Qaranka JSL, isaga oo sheegay in ay yihiin tiirka ugu muhiimsan ee saldhigga u ah jiritaanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxana uu yidhi:

“Aniga oo ku hadlaya afka muwaadiniintayda waxa aan si kalsooni leh idiinku caddaynayaa in Ciidanka Qaranku uu yahay Hayโ€™adda ay dadkaygu ugu jecel yihiin, dhammaan Hayโ€™adaha Dawladda Somaliland.”

Munaasibadda 32 Guurada Aasaaska Ciidanka Qaranka JSL waxa iyaguna hadallo miisaan leh oo isugu jiray mahadnaq, dib u milicsi taariikheed, guubaabo iyo hiigsiga muddada dhaw ka soo jeediyey Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL, Mudane Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Cismaan iyo Wasiirka Gaashaan-Dhigga iyo Difaaca Qaranka, Mudane Maxamed Yuusuf Cali.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xusay oo uu u duceeyey Madaxdii Dhaqanka, Hoggaamiyeyaashii Siyaasadda, Saraakiishii Ciidamada, Ganacsatadii, iyo Haldoorkii bulshada ee kaalinta weyn ka geystay Abaabul-ka-saarkii Dhalinyaradii halganka, iyo dib-u-dhiskii Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxana uu yidhi:

“Gudashada waajibkaas weyn waxaa fududeeyey niyad-wanaagga iyo gobannimada dadkayga jecel in ay ku noolaadaan xorriyad, nabadgelyo, horusocod iyo midnimo. Dawladnimadeenna kumaynu dhisin ku tiirsanaanta dalalka dibadda, innaga ayaa ururinnay taladeenna, innaga ayaa midaynay garaadkeenna, innaga ayaa adeegsannay aqoonteenna, innaga aya isu geynay maalkeenna, waxaana ka dhashay Somaliland ta quruxda badan ee maanta la majeeranayo.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mar uu ka hadlayay xurmada iyo ixtiraamka ay mudan yihiin Ciidanka Qaranku waxa uu yidhi:

“Waxa aan idiin caddaynayaa in Xukuumaddani ay u dhisantahay ilaalinta sharafta iyo magaca aad qarankiina ka mudan tihiin. Ma ogolaan doonno cid xurmadiina iyo qabkiina dhaawacda. Xukuumaddaydu waxa ay muhiimad gaar ah siinaysaa dhismaha iyo horumarinta Ciidamada Qaranka, innaga oo mar kasta ku salaynayna awooddeenna.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mar uu ka hadlayay sida ay isaga uga goโ€™an tahay in uu dadkiisa ugu adeego daacadnimo iyo daah-furnaan, waxa uu yidhi:

“Ciidamadayada sharafta badan iyo guud ahaanba dadkayga aan jecelahay, waxa aan u ballanqaadayaa, inta aan Xafiiska joogo, in yoolkayga koowaad uu noqon doono in aan idiinku adeego daacadnimo, daah-furnaan iyo doonistiina oo aan u hoggaansamo. Waxa aan doonayaa waa in magacayga aanan Hantidiina ku qorin ee aan Quluubtiina ku qoro.”

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡
๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),

๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐