Sanadihii 2015 iyo 2016 xukuumaddi Axmed Siilaanyo waxa ay xidhay suxufiyiin iyo dad reer Berbera ah oo dood ka keenay heshiiska dekedda Berbera lagu siiyay DP World. Waxa ay dalbadeen daah furnaan iyo in la faah faahiyo heshiiska iyo sababta loo siiyay DP World ee aan loogu tartamin, haddii cid gaar ah oo shisheeye ah gacanta loo gelinayo. Xukuumaddu waxa ay u adeegstay awood xad dhaaf ah inay codadkaas cabudhiso. Codadkaas oo ahaa badankoodu shacabka Berbera. Somaliland inteeda kale sidii oo ay tahay arin ka fog ayay ku daawatay culayskaas, inkasta oo arinku khuseeyey dekedda qudha ee ay Somaliland leedahay ee u ah naf dalka oo dhan.
Golaha Wakiiladdu si degdeg ah ayuu ugu codeeyey isaga oo aan arag heshiiska uu u codeeyey. Fadeexad iyo ceeb wayn ayay ahayd. Qof codkiisa siiyay wax aanu arag. Jeeg madhan ayay saxeexeen.
Markii ay xukuumadda Siilaanyo u ololaynaysay waxtarka DP World ay u leedahay Somaliland waxa ay ku dooday dhawr arimood:
1. In dekedda loo dhisi dooni si casri ah oo ay faa’iido badan u tahay Somaliland. Sideed sanadood kadib taasi ma hirgashay? Tayada waxa la dhisay ma la yaqaan? Lacagta ku baxday intee ayay leeg tahay? Lacagta dekedda ka soo gasha DP World intee ayay leeg tahay? Waa su’aalo jawaabtoodu fure u tahay in deked casri ah la dhisay iyo in kale.
2. In DP World ay suuq wayn soo jiidi doonto oo dekedu la tartami doonto gobolka iyo adduunka. Waxa ka soo dega Berbera miyay kordheen tan iyo intii ay DP World timi? Suuq cusub ma soo kordhisay DP World?
3. In shaqooyin badan ay dadku ka dheefi doonaan, gaar ahaan Berbera. Shaqooyin dheeraad ah miyay soo kordhisay DP World? Intee in leeg ayay soo kordhisay? Ma shaqo abuur ka badan baa ka ay dekeddu soo kordhin kari lahayd iyada oo aan DP World maamulin?
4. In la dhisi doono marin casri ah oo la yidhaahdo marinka/wadada Berbera (Berbera Corridor) oo isku xidhi doonta Berbera iyo Wajaale si alaabta dekeddu ay si degdeg ah oo aan raagid lahayn ay u gaadhaan Itoobiya. Waxa la inoo sheegay waagaas inay noqonayso wado afar haad ah si gaadiidka alaabta sida iyo gaadiidka kale ay u helaan meelo kala duwan oo ay u maraan. Markii la dhagax dhigay se waxa la yidhi: mayee tii hore ayuun baa la qaadayaa oo mid cusub oo laba haad ah laga dhisayaa. Dad badan baa is waydiiyay waxa ay taasi faa’iido leedahay iyo bal waxa ay soo kordhisay haddii ay isla wadadii hore tahay oo aan wax cusubi soo kordhin. Haseyeeshee, waxa nidayadda dhistay dood hor leh oo ahayd: wadada si heer sare ah oo sidii hore ka tayo saraysa ayaa loo dhisayaa, waxa lagu kaabayaa buundooyin dul mara togagga rogmada xili roobaadka ee isku socodka xaniba, islamarkaana keena geerida iyo khasaaraha hantiyeed. Wax ka yar sanad oo ay buundooyinkaasi shaqaynayeen, laba ka mid ah waxyeello ayuu roobku u gaystay. Tayada wadadani ma ka saraysaa kuwii hore? Lacagta gashay wadarteedu waa imisa? Shirkadaha qaatay maxay ahaayeen? Sidee ayay ugu tartameen? Yaa korjoogtaynayay? Yaa leh shirkadaha? Ma lagu samaynayaa baadhitaan ciqaabeed? Ma lala wadaagayaa shacabka iyo baarlamaanka xogta wadada ee aan la ogayn?