Sannad buuxa ayaa laga joogaa markii xilka loo dhaariyey Madaxweynaha 6aad ee Jamhuuriyada Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi.

Madaxweynuhu waxa uu la wareegay dal xaaladiisu aad u liidato, caqabado badan oo gudaha iyo dibedaba ahina ku gedaaman yihiin.

1. Dalka Dagaalo sokeeye oo dhimasho iyo dhaawac badan keenay ayaa ka dhacay.

2. Ciidankii Qaranka hub, gaadiid iyo Maxaabiis badan ayaa laga qabsaday.

3. Waxa hoos u dhac wayni ku yimid Mooralkii iyo niyadii Ciidanka.

4. Qaybo ka mid ah dalka (Sool Bari) gacanta dawlada way ka baxday oo Muwaadiniin cadhaysan ayaa Maamul kaga dhawaaqay.

5. Jabhado ayaa ka samaysmay gobolada Bari ee dalka

6. Dhaqaalihii hoos ayuu u dhacay oo wax kala iibsigii iyo Maalgashigiiba way yaraadeen

7. Sicir barar aad u wayn ayaa saameeyey bulshada gaar ahaana danyarta

8. Bulshadu aad ayey u kala fogaatay oo Qabyaaladii ayaa xoogaysatay

9. Musuqmaasuq baahsan ayaa ka dhex jiray dawladii xilka wareejisay kaas oo saamayn taban ku yeeshay noloshii dadka

10. Boob fara badan ayaa lagu sameeyey hantidii dawlada (guurto iyo ma guurtaba)

11. Waxa taagnaa murankii uu dhaliyey heshiisskii MoU ee Ethiopia lala saxeexday

12. Somaliya, Ethiopia iyo Djibouti farogalin joogto ah ayey ku hayeen dalka.

Intaa iyo in ka badan oo caqabado ah oo xal u baahan ayuu la wareegay Madaxweye Cabdiraxmaan.

Waxa ilaahay mahadii ah in Madaxweyne Cabdiraxmaan muddadaa sannadka ahayd ee uu xilka hayey in uu ku xaliyey caqabado badan, isla markaana sameeyey waxqabad iyo horumar la taaban karo.

Dhinaca gudaha

• Waxa la xaliyey oo la qarameeyey mushkiladii Jabhadaha ee gobolada Bari

• Waxa dib u dhis iyo dib u habayn wayn lagu sameeyey Ciidankii Qaranka. Hub cusub ayaa loo soo iibiyey, tirakoob rasmi ah ayaa lagu sameeyey, mushaharaadkii ayaa loo kordhiyey, guryo ayaa loo dhisayaa, sidoo kale daryeelkoodii ayaa kor loo qaaday. Dhamaan arimahaasi waxa ay soo celiyeen mooralkii Ciidanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland

• Waxa la nabadeeyey Gobolkii Sanaag oo xasilooni buuxda lagu soo celiyey

• Waxa qiimihii laydhka laga jabiyey magaalada Berbera oo nolosheedu gabi ahaanba ku tiirsan tahay Korontada, waxaana laga dhigay $0.20. Talaabadan oo ay mahadiyeen guud ahaanba dadweynaha reer Berbera, gaar ahaan ganacsiyadii baahida wayn u qabay in ay helaan koronto jaban.

• Waxa qiimihii laydhka iyo Biyaha laga jabiyey Magaalada Boorama iyada oo laga dhigay qiimaha Laydhka $0.59, halka Biyahana laga dhigay 5tii foosto 11,000 sl sh.

• Waxa qiimihii laydhka laga jabiyey Magaalada Gabiley oo laga dhigay $0.59, talaabadaas oo dadweynuhu aad ugu riyaaqeen

• Waxa dib u eegis, kaabis iyo wax ka badal lagu sameeyey in badan oo ka mid ah shuruucda iyo xeerarka dalka si ay ula jaanqaadi karaan casrigan iyo duruufteena

• Waxa dhakhtar wayn oo Referral ah laga dhagax dhigay magaalada Burco

• Waxa la bilaabay dhisidida jidka isku xidha Baligubadle iyo Hargeysa

• Waxa la bilaabay dhisida dariiqa isku xidha Boorama iyo Baki

• Waxa la bilaabay fulinta Mashruuca Banka Qoolcaday

• Waxa la bilaabay fulinta mashruuca Banka Wajaale

• Waxa abuurantay kalsooni badan, dadkii salka ayey ka fadhiisteen, naruuro iyo yididiilo cusubina way gashay

• Wufuud caalami ah oo heerkoodu sareeyo ayaa dalka ku soo qulqulay, kuwaas oo u socda xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya dalalkooda iyo Somaliland

• Waxa bilaabmay wadahadalo heer sare ah oo u dhexeeya dawlada Maraykanka iyo Somaliland

• Mashaariic dalka oo dhan ku filiqsan ayaa la fuliyey sida goobo caafimaad oo la dhisay, ceelal biyood oo la qoday iwm

Dhinaca dibeda

• Madaxweynuhu waxa uu booqasho taariikhi ah ku tagay dalka Imaaraatka Carabta, gaar ahaana Dubai, halkaa oo uu kaga qaybgalay shir caalami ah, isla markaana ka jeediyey khudbad taariikhi ah goob ay fadhiyeen inta badan Madaxda dalalka aduunku, isaga oo ku faahfaahiyey qadiyada Jamhuuriyada Somaliland.

• Madaxweynuhu waxa uu booqasho muhiim ah ku tagay dalka Kenya halkaa oo uu kula kulmay Madaxweynaha dalka Kenya, madax kale oo Kenyan ah, Diblomaasiyiin caalami ah iyo jaaliyada reer Somaliland ee dalkaa ku dhaqan. Safarkaasi waxa uu ahaa guul diplomaasiyadeed oo wayn.

• Madaxweynuhu waxa uu booqasho rasmi ah ku tagay dalka Qatar halkaa oo uu kulamo kula yeeshay madaxda ugu saraysa dalkaa. Safarkaasi waxa uu ahaa mid qadiyada Jamhuuriyada Somaliland loogu bandhigay Dawlada Qatar, laguna abuurayey xidhiidh iskaashi oo dhex mara labada dal.

• Safarkii Ethiopia uu ku tagay madaxweynuhu waxa uu ahaa guul kale, isaga oo meesha kaga saaray xaalad kala shaki ahayd oo dhex taalay Ethiopia iyo Somaliland

Hawshu way socotaa, waxqabadkuna wuu isdaba socdaa maalin iyo habeenba.

Dabcan, wax badan oo qabyo ahi way jiraan, waana la dhamaystiri doonaa.

Sidoo kale, waxyaabo khaldamayna way jiraan, waase la sixi doonaa.

Guul ayaan u rajaynayaa Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro iyo Somalilandba.