
Si wanaagsan oo sharaf leh ayaa la ii la dhaqmay wax dhibaato ah la ii ma geysan. Saraakiisha Somaliland ee waraysanaysey waxaan u sheegay in aan ciidamada Soomaaliya ka soo goostay oo aan u baxsaday dhanka Kenya, halkaas ayaan ka soo galay dawlad deegaanka Soomaalida ee dalka Ethiopia. Markay ii sheegeen in aan wax dambiya la igu haynin waxaan ku idhi .
Walaalayaalow mar haddaad wax dambi ah igu waydeen ha igu celinina Soomaaliya waxaan codsanayaa inaad igu celisaan dawlad deegaanka Soomaalida ee aan ka imid. Sidaa waxaa yidhi Xasan Ciraaqi oo u waramayey masuuliyiin ka soo jeeda beeshiisa oo ka tirsan dawlad deegaanka Soomaalida ee dalka Ethiopia





