Sarkaalkii labaad ee Somaliland ka soo jeeda oo lagu dilay Garoowe

Hargeysa(Qaran news)-AUN Marxuum Cabdi Xaaji Xasan Abraar oo ahaa khabiir saadasha hawada oo Garoowe ka shaqeynaayay ayaa maanta ku dhintay Garoowe.

Waxa la sheegay inuu duhurkii matag bilaabay, isla markaana uu casarkii 3:00 galabnimana geeriyooday.

Lama garanaayo in la sumeeyay iyo in kale. Waase sarkaalkii labaad ee ka soo jeeda Somaliland ee maamulka hawada Soomaaliya isagoo ka shaqaynayey geeriyooday.

Marxuumku wuxuu ka soo jeeday gobolka Gabiley, waxana geeridiisu cirka ku sii shareeraysaa khilaafkii dhinaca hawada iyo siyaasadda ee u dhexaysay Somaliland iyo Soomaaliya.