
Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay weerareen warshadda sifeynta shidaalka ee Ras Tanura iyo xarunta maaliyadeed ee magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga.
Yahya Saree, oo ah afhayeenka milatariga Xuutiyiinta, ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday warshadda shidaalka uu sababay dab, isla markaana xarunta maaliyadeed ee Riyadh lagu weeraray saddex marxaladood.
Warshadda sifeynta shidaalka ee Ras Tanura, oo ah tan ugu weyn Sacuudiga, ayaa ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan ee dalkaasi uu shidaalka ceyriin laga hoofiyo suuqyada caalamka.
Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa horay u sheegay in nidaamyadiisa difaaca cirka ay qabteen oo burburiyeen afar diyaaradood oo aan duuliye lahayn, kuwaas oo lagu arkay agagaarka Ras Tanura ee gobolka Bari ee Sacuudiga.
Nidaamka NASA ee la socda dababka ayaa diiwaangeliyay koror heerkulka ah oo laga arkay aagga warshadaha Ras Tanura.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sidoo kale baahisay sawir dayax-gacmeed oo muujinaya qiiq cirka isku shareeray.
Waxay ku qiyaastay in aagga uu qiiqa madow ku fiday uu gaarayo ku dhowaad 600 oo kiiloomitir oo laba jibbaaran.





