Saylici oo Furay Wershad soo Saaraysa Bacaha la fal-galaysa Deegaanka

Hargeysa(Qaran news)-Madaxweyne ku xigeenka JSL ayaa xadhiga ka jaray Wershada Badbaado Deegaan ee SOMBAGS oo soo saari doonta Bacaha la falgala Deegaanka.Madaxweynaha ku xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa xadhiga ka jaray wershadaas oo ay maalgashadeen ganacsato reer Somaliland ahi.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay in ay farxad u tahay in uu goob ka yahay warshad soo saaraysa bicihii dhibaatada ku hayay degaanka iyo bulshada beddelkoodii, waxaanu soojeediyay in la joojiyo bacaha halista ku ah, degaanka, xoolaha iyo dadkaba, isla markaana la dhiirigeliyo warshad soo saaraysa bacaha la falgalaya ciida, waxaanu xusay in ciddii lagu qabto iyada oo dalka dibeddiisa ka keenaysa baco la ganaaxi doono lagana gudbi doono.

Wasiirka degaanka iyo isbeddelka Cimillada ayaa Ganacsatada warshadan hirgelisay ku boorisay inay xil iska saaraan sidii ay uwada dabooli lahayd baahida dalka ee helitaanka baco ku filan, si looga maarmo ta dalka dibeddiisa ka imanaya, waxaanay tilmaantay in bacaha ay soo saarayso warshadi yihiin kuwa cimrigoodu gaban yahay isla markaana la falgalaya ciidda.

Ka sooqaybgalayaashi munaasibada daahfurka warshadan ayaa boggaadiyay ganacsatada ku dhiiraday hirgelinta wershadani.