Shabakadda ganacsiga Israel ee Vision 2048 ayaa shaacisay inay fududeynayso mashruucii u horreeyay ee ay wax kaga qabanayso horumarinta beeraha Jamhuuriyadda Somaliland.

Iskaashigan ayaa ku saabsan mashruuc beeraha ah oo heerkiisu bilow yahay, lagana hirgelinayo Somaliland isla markaana dhex mari doona Shabakadda ganacsi ee Vision 2048 iyo labada shirkadood The Gennisi Group iyo shirkadda beeraha Israa’iil ee TAHAN Smart.

Warbixintan oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa lagu sheegay in mashruucan oo tijaabadiisu socoto la filayo in si rasmi ah loo furo xagaagan.

Warbixintu hadafka mashruucani ku wajahan yahay fududeynta isku xidhka ganacsiyada, maalgashadayaasha iyo xirfadlayaasha si loo dedejiyo helidda fursado ganacsi.

Sida ay warbixintu xustay Mashruucan ku wajahan beeraha Somaliland ayaa weli ku jira qiimeyntii hore, waxaana la qorsheeyay in lagu bilaabo daraasad qoto-dheer.

Warku wuxuu intaas ku daray haddii ay suurtagal noqoto, waxa la samayn doonaa beero tijaabo ah, qiimeyn farsamo iyo ganacsi, iyadoo mustaqbalka la eegayo suuqyada Khaliijka oo ay haysato baahi sare oo wax-soo-saar cusub.

Faahfaahin dheeraad ah sida maalgelinta, dhulka iyo jadwalka wax-soo-saarka weli lama shaacin, iyadoo shirkaduhu ay wadaan qiimeyn soona saari doonaan go’aanno rasmi ah.