Berbera(Qaran news)-Badhasaabka Gobolka Saaxil Cali Cabdi Cabdilaahi (Cali Case), ayaa dadweynaha degmada Laaso-dacawo kala wareegay 246 neef oo adhi ah oo ay ugu deeqeen ciidamada Qaranka.

Badhasaabka Saaxil wuxuu cuqaasha iyo guddoomiyaha degmada Laaso-dacawo, ku ammaanay dedaalka iyo taageerada wax ku oolka ah ee ay u fidiyeen ciidanka qaranka oo ay ku tilmaameenta halbowlaha koowaad ee qaranka.

Badhasaab Cali Case wuxuu sheegay inuu gaadhsiin doono ciidamada deeqdaas xoolaha ah ee uga timud dadweynaha reer Laaso-dacawo.

Madaxda degmada Laaso-dacawo ayaa ciidanka qaranka ku bogaadiyay dedaalka ay naftooda ugu hurayaan ilaalinta xudduudaha Somaliland.