Shan faa’iido oo laga helo liinta balse dad badani aaney ogeyn

Liinta

Guud ahaan liinta waxa laga helaa fitamiino iyo macdan, balse miyay ka hortagi kartaa qabowga? Waxaanu sameynay qiimeyn ku aaddan sida liinta ay caafimaadkeena door uga qaadato.

Waxaan qoraalkan ku eegeynaa shan faa’iido oo liinta laga helo.

1: Waa isha laga helo nafaqooyinka difaaca unugyada jirka

Waxaa la wada ogsoon yahay in miraha liinta, gaar ahaan liin-macaanku ama bambeelmada ay qani ku yihiin fitamiin C, kaas oo leh faa’iidooyin aad u qiimo badan oo oo ka mid yihiin nafaqooyinka difaaca unugyada jirka, gaar ahaan waxay jirka ka ilaaliyaan dhaawacyada.

Waxa kale oo ku jira maaddada carotenoids, oo uu jirku u beddelo fitamiin A.

Daraasaduhu waxay soo jeedinayaan in kiimikooyinka phyto ay gacan ka geystaan ​​taageerada jirka gaar ahaan waxay jirka ka ilaaliyaan cudurrada ku dhaca wadnaha iyo kansarka – waxaa sidoo kale la sheegay inay leeyihiin saameyn liddi ku ah bararka, fayraska.

Intaa waxaa dheer, diirka liinta waxaa ku jira xaddi badan oo nafaqooyin ah kuwaas oo ka badan  nafaqada hilibka, sidaa darteed cuntooyinka lagu daro  liinta ayaa waxay cuntadaa ku kordhoyaan kobcin dheeraad ah.

2: Waxay taageertaa caafimaadka wadnaha

Waxay taageertaa caafimaadka wadnaha

Daraasaduhu waxay soo jeedinayaan in maadada hesperidin, eek u jirta liinta suurogal tahay inay hoos u dhigaan cadaadiska dhiigga iyo kolestaroolka.

Cilmi-baaristan ayaa sidoo kale soo jeedinaysa in cunista miraha liinta ay yarayn karto khatarta cudurrada ku dhaca wadnaha iyo xididdada dhiigga.

Daraasad caafimaad ayaa muujineysa in cabidda koob liin bambeelmaha maalinle ah walba muddo afar toddobaad ah ay kaalin mud leh ka qaadaneyso inuu dhiigga khafiif noqdo taas oo yareyn karta cadaadiska dhiigga.

3: Waxay ka hortagi kartaa dhagxaha keliyaha gala

Liinta waa isha laga helo maadada citrates taas yareysa aashitada kaadida sidaa darted waxay ka horgeysaa in keliyaha ay dhagxaan ku sameysmaan.

4: Waxa laga yaabaa inay ka hortagto dhiig yarida

Liinta maaha il ugu fiican ee laga helo macdanta Iron ee kordhisa dhiigga, laakiin waa il wanaagsan oo laga helo fiitamiin C iyo citric asid laakin  marka lagu daro cuntooyinka qaniga ku ah macdanta Iron-ka waaxay ka caawineysaa inuu jirka safiican u qaato.

Waxa laga yaabaa inay ka hortagto dhiig yarida

5: Waxa laga yaabaa inay si wanaagsan kor ugu qaaddo Shaqada Maskaxda

Cilmi-baaris ayaa lagu sameeyay doorka maadada flavonoids liinta marka cuntada lagu daro waxaana la ogaaday inay door ku leedahay hagaajinta xusuusta iyo garashada iyo sidoo kale ka hortagga cudurrada ku dhaca neerfaha.

Si kastaba ha ahaatee, weli waa goor hore in si buuxda loo shaaciyo saameynta liinta,  ku leedahay caafimaadka maskaxda.