“Shaqadeenu waa in Meel Walba aynu Gaadhsiinaa Qaddiyadda Somaliland”
Wasiirka Arrimaha Dibadda

Paris (Qaran news) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Ciise Kayd ayaa sheegay in muwaadin kasta ay shaqadiisa tahay inuu kaalintiisa qaato, isla markaasina uu qadiyada dalka meel kasta geeyo.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland Dr. Ciise Kayd oo safar shaqo ku tagay dalka Faransiiska ayaa bulshada reer Somaliland eek u nool dalkaasi u soo jeediyay inay ka qayb qaataan hirgalinta qadiyada Somaliland iyo sidii dalkani u uku heli lahaa aqoonsiga uu xaqa u leeyahay.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu la kulmo Jahliyada reer Somaliland ee dalka Faransiiska oo uu sheegay inay shaqo wayn ku hawlan yihiin iyo sidii qadiyada Somaliland meel fog loo gaadhsiin lahaa.
Wasiir Ciise Kayd ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in meel kasta oo aduunyada ka mid ah la gaadhsiiyo qadiyada Somaliland haddii ay tahay Yurub iyo Haddii ay tahay ba Maraykanka inta uu dalkani ka helayo Ictiraafka uu inta badan halganka ugu jiray waxaanu yidhi

“Aad iyo aad baan ugu faraxsan nahay in aan imaado magaaladda Baariis oo ay igu soo dhaweeyaan Safiirka Somaliland ee dalka Faransiiska iyo Jahliyada wadankan ku nool, sharaf iyo waxay ii tahay wanaag in aan halkan imaado oo aan hawlaha Qaranka qabano, kuwaasi oo muhiim ah in aynu meel walba gayno qadiyadeena haday noqoto Yurub haday noqoto Afrka iyo haday noqoto Aasiya”.

Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Dr. Ciise Kayd ayaa ku beegmay xili dalalka Yurub into badan ay ka socdaan banaan-baxyo ay muwaadiniinta reer Somaliland ee ku nool dalalkaasi ay ku taageerayaan heshiiskii taariikhiga ahaa ee Somaliland iyo Itoobiya.