Saddex arrin ayaan ugu necbahay in ay dhega haygu maqlaan, siiba marka laga hadlayo nabadda iyo doorashada madaxtinimada dalka ee markasta si ukas ah xilliga qabashadeedu ay soo dhawaato xukuumada talada dalka haysaa ay ka meermeerto, muran siyaasadeedna halkaas uu ka bilaabmo.

Arrinka 1aad: Madaxweyne la doortay waxuun baa bedeli kara madaxweyne asna
la doortay.

Waa hagaage sharciga qeexaya in aanu madaxweyne la doortay si ukas ah uga meermeeri karin qalqaalinta iyo qabashada doorashada madaxtinimada halkuu distoorka S/land kaga qoran yahay. Kuma qorne, maxaa loo samayn waayey sharcigaasi?.Saw ku talagal maaha in m/weyne kastaaba uu ka meermeero in doorashada xilligeeda ku qabto sii uu muddo kordhin u hello sida Muse Biihi hadadan sameetey ee uu uga meermeeray? Su’aashu waa haa.

Arrinta 2aad: Kursiga M/weynaha cod baa lagu fuulaa ee xabbad laguma fuulo, oo ay ku doodaan dad shacabka S/land ka ah oo u tashaday kana tashaday in aanay marnaba cod siin xisbiyada mucaaradka ee hadda jira
xilliga doorashada m/nimada qabashadeeda buuq ka yimaado, maamulka talada dalka hayaana uu bilcaani u nacnaco ulna xilftamo mucaaridka. Nin kuu tashaday kaana tashaday markuu sidaasi ku doodo bal ka waran? waa munaaqfaqnimo.

Artinta 3aad: Nabada ha illaaliyo. Nabad la’aan nololi ma suganto. Laakiin nabadda anshax iyo asluub baa lagu illaaliyaa. Sharci ummaddi dhigatay ayaa nabadda iyo degenaanshahaba illaaliya. Askariga tuugta qabtaa iskama qabto ee ammar sharci ku salaysan oo la siiyey ayuu ku qabwabtaa tuugta. Sharciga lagu illaaliyo nabadda haddii la baal maro oo la jabiyo, nabaddu waa burburaysaa. Nin muraad leh oo maslaxadiisa laga laaluushey markuu kugu yidhaahdo nabadda illaali, waa nusqaan.

Marka sharciga dalka u yaal uu qabto ninka kursiga ku fadhiya, kursigana aanu iskaga fadhiyi karin muddo kordhin aan sharciga ku qotomin aanu sinaba loogu samayn karin,, Guurtina aanay muddo xilkeedeeda isu kordhin, intaas marka laysla hello ayaa nabad lagu naaloodaa imman kartaa. Nabad kolba inta xafiisyada fadhidaa ku muraadsanayso
nabad maaha.

By: Jamafalaag
S/land, Hargeysa.
jamafalaag@gmail.com