Sheekh Umal oo Beeniyay in Cisbitaal la Dhigay

Hargeysa(Qaran news)-Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah culimada waa weyn ee Soomaalida, ayaa saacadihii u danbeeyey waxa baraha bulshada ee dhinaca Internet-ka lagu faafiyey warar sheegaya in xaalad caafimaad lasoo daristey,islamarkaana la dhigay cusbitaal.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo uu Saab TV la xidhiidhay ayaa noo xaqiijiyey in xaaladdiisu fiican tahay, oo aanay jirin wax xanuun ah oo uu la jiifaa hadda, ama cusbitaal loo dhigay.

Waxa uu Sheekhu dadka baahiyey wararkaasi been abuurka ah ugu baaqay in ay Alle ka cabsadaan oo ay joojiyaan faafinta wararkaasi.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa hadda ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.