Nebigeennii suubanaa NNKH wuxuu yidhi ‘Inta aanay lix arrimood iman Acmaasha u degdega, waa Fidno ee inta aanay dhicin.
Maxay yihiin Lixdan arrimood;
1. Dad wax ma garatad ah oo umada madax u noqda
2. Kuwa dadka garaaca ee Booliska iyo kuwan dadka dila, ee madaxda u shaqeeya, ee dadka u garaaca, kuwaas badashadooda
3. Qaraabo goysnimada
4. Xukunka oo la iibsado, laaluushka iyo kursiga oo la kala iibsado
5. Dhiiga dadka oo la fududaysto
6. Dhalinyarro quraanka ka dhiganaya Durbaan oo kale. Ninka ay hor marinayaan ee tujinaya waxay u hor marinayaan maaha inuu Aqoon fiqi leeyahay, laakiin codkaas quruxda badan inuu ugu heeso ayey rabaan, oo intaas oo keliya ayey u horu marinayaan oo Iimaan uga dhigayaan.
Arrimahan Ilaahay ayaa sii ogaaday oo u sheegay Rasuulkiisa NNKH”
Sheekh Maxamed Umal.