Kulan balaadhan oo ay maanta beesha Isaxaaq Care isugu timid beerta Suldaan Bare, oo uu qaban qaabadeeda lahaa Suldaan Maxamed Suldaan Bare ayaa gabi ahaanba fashil ku dhamaaday shirkani waxa uu daba socday shir kan ka balaadhnaa oo 5 cisho ka hor ka dhacay Hotel Kaah ee bariga Hargeysa shirkaasi oo la doo aayay in laga soo saaro baaq lagu dhaleeceeyo jabhada buurta Gacanlibaax markii shirkii Kaah ee todobaadkii hore la diiday in la dhaleeceeyo jabhadaasi dagaalka kula jirta xukuumadda Muuse Biixi. Waxa la is tusay in ay arintaasi tahay mid u dhaxaysa xukuumadda iyo Jabhadaasi isla markaasi ayna ahayn mid beel gaar ah u taala.
Shirkan maanta dhacay oo ay goob joog ka ahaayeen lataliyaha madaxweynaha Cali Maxamed Warancadde iyo gudoomiyaha Bank Somaliland oo iyagu goobtaasi ka hadlay ayaan gabi ahaanba ku fashilmay in la soo saaro baaq lagu dhaleecaynaayo jabhada ku jirta buurta Gacanlibaax.
Deegaanada bariga Hargeysa ayaa aad uga hooseeya deegaanada kale ee gobolka Maroodi jeex mana jirto wax la taaban karo oo loo qabtay mudadii dhawr iyo tobonka sano ahayd ee xisbiga Kulmiye uu talada dalka gacanta ku hayay, ha ugu sii liidato intii uu madaxweyne Muuse Biixi uu xilka dalka hayay