Waxa caawa shir balaadhan isugu yimid magaalada Hargaysa ee caasimadda Somaliland dhalinyarada beesha Maxamed Ismaaciil ee Isaxaaq Care.
Kulankan caawa waxa lagu shaaciyay gudi
ay doorteen dhalinyaradu waxana sidoo kale lagu dhawaaqay shir guud oo si deg deg ah ay isugu iman doonto beesha Maxamed Ismaciil kaasi oo lagaga hadli doono masiirka beesha iyo sidii loo raadin lahaa isbedel.
Sida ay ii sheegeen xubno shirka ku sugnaa waxa ay ii sheegeen in ay beeshu hayso oo diwaan galisay ku dhawaad 40 kun oo cod.

Deegaanada beeshana 7 sanadood ee Muuse Biixi joogay waxba uma qaban waana deegaan dayacan inkasta oo ay kala mid yihiin dalka oo dhan.

Beeshani ayaa doorashadii deegaanka iyo wakiiladda soo saartay laba xildhibaan mid deegaanka ah iyo mid wakiilada ah.


La soco xafladda oo dhamaystiran