Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, Mudane Cabdale Maxamed Carab, oo ay weheliyaan Wasiirka Wasaaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Axmed-Yaasiin Maxamed Faarax, iyo Wasiirka Gaashaandhigga, Maxamed Cali Yuusuf (Ilkacase), ayaa maanta guddoomiyay shirkii Amniga ee Gobolka Selel.

Guddoomiyaha Gobolka Selel iyo Duqa Degmada Saylac, ayaa shirka ka jeediyay warbixin guud oo muujisay in xaalada amniga Gobolka Selel iyo Degmada Saylac ay deggan tahay, isla markaana hay’adaha amnigu si hufan ugu adeegayaan bulshada.

Wasiirrada ka hadlay shirka ayaa si weyn ugu mahadnaqay laamaha amniga iyo maamulka heer gobol iyo heer degmo, iyaga oo ammaanay dadaalka ay ugu jiraan sugidda nabadgelyada guud.

Shirka waxa sidoo kale goob joog ka ahaa Taliye ku xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Somaliland iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan weftiga wasiirrada.