Shir Lagu Falanqeynayey Mashruuca JPLG oo Lagu Qabtay Hargeysa

Hargeysa(Qaran news) -Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Yusuuf Ismaaciil ayaa gudoomiyey shir lagu falaqaynayey dibna loogu eegeyey Mashruuca JPLG Qaybtiisa Afraad, kaas oo bilaabmaya bisha koobaad ee sannadka 2024.

Kullankan waxaa ka soo qayb-galay Wasaaradaha qaybta ka ah mashruuca Maamul Daadejinta,kaas oo ay ka mid ahaayeen Agaasimaha Guud ee Horuumarinta Maaliyadda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta, Maayirka ku-xigeenka Caasimada iyo Mas’uuliyiin kale.