Shir lagu Falanqeynayo Adkeynta Amniga oo lagu Qabtay D/Hoose Hargeysa

Hargeysa(Qaran news)-Dowlada hoose ee caasimada Hargeysa, gaar ahaan waaxda nabadgelyada ayaa soo qaban qaabisay shir lagu falanqeeyay sidii xal waara looga gaadhi lahaa aafada maandooriyaha kala duwan ee halista ku ah mustaqbalka iyo caafimaadka dhalinyarada.
Kulankan waxa shir guddoomiyay duqa caasimada Hargeysa, mudane Cabdikariim Axmed Mooge, madaxda waaxda nabadgalyada iyo masuuliyiin ka socday laamaha amaanka, cadaaladda, sirdoonka, guddida wanaagfarista iyo xafiiska caafimaadka dowladda hoose ee Hargeysa.
Waxa kulankan xoogga lagu saaray in meel looga soo wada jeedsato sidii loo adkayn lahaa ammaanka goobaha ay wax ka soo geli karaan caasimada, sida maandooriyayaasha kala duwan ee halista ku ah mustaqbalka dhalinyarteenna iyo in la ilaaliyo isla markaana dabagal dheeri ah lagu sameeyo goobaha lagu iibiyo daawooyinka sida qaldan loo iibiyo.