Shir-weyne Caalami ah oo 12- Waddan kasoo Qayb galayaan oo Beri Hargaysa ka Furmaya

Hargeysa(Qaran news)-Shir-weynaha 11-aad ee Hanaanka Maaliyada Islaamiga ah ee Africa ayaa maalinta beri ka Furmi doona Magaalada Hargaysa ee caasimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Shirka oo ay iska kaashadeen Xukuumada Somaliland iyo Hay’adda Caalamiga ah ee Al- Hudda ee Fadhigeedu Yahay Imaraatka Carabta ayaa waxa kasoo qayb galaya laba iyo toban Waddan isla markaana kusoo bandhigaya adeegyada ay kaga qayb qaadanayaan shirka.

Shirka oo isugu Jira Bandhig ,tababaro iyo Xog is-waydaarsi ku saabsan Caymiska iyo Baananka islaamiga ah ayaa noqon doona Fursad kale oo si weyn uga qayb qaadanaysa kobocoa dhaqaalaha Somaliland ,Koriinka dhinaca aqoonta ee Hay’addaha Maaliyadda ,soo Jiidashada fursado kale oo Maal-gashi,Shaqo Abuur ,Horumaro kale iyo Magacii Jamhuuriyadda Somaliland oo kor u kaca Cadawguna ka naxaan.

Shirku waxa uu si toos ah u furmaya maalinta beri 5-March wuxuuna soconaya ilaa 7-March .