Shirgudoonka labada gole oo xal ka gaadhay Khilaafka Xeerka Doorashooyinka
Hargeysa(Qaran news)-Waxa maanta heshiis laga gaadhey qodobadii khilaafku ka taagna ee xeerka Doorashooyinka .
Guddiyadii labada gole Baarlamaan u saareen arintan ayaa ku heshiiyey in qodobo loo daayo sidii Guurtidu ku ansixisay , qodobona loo daayo sidii golaha wakiiladu ku ansixiyeen .
Todobaadka soo socda ayaa heshiiskan la hor geyn doona Golaha Guurtida iyo Golaha wakiilada si ay xildhibaanadu u ansixiyaan
Isla todobaadka danbe ayaa la filayaa in Golaha wakiiladu xeerkan u gudbiyo Madaxweyne Muuse Biixi .
Waxaana ay arintani u muuqataa in uu sidaas ku dhamaadey khilaafkii ka dhex jiray labada gole Baarlamaan ee xeerka Doorashooyinka ku saabsanaa.
Ileysnews