Raโ€™iisul wasaaraha Britain Rishi Sunak ayaa magaalada London ka furay shir caalami ah oo lagu sugayo amniga cuntada.

Shirkan ayaa ah mid ay iska kaashadeen Britain, Somalia, iyo Imaaraadka Carabta (UAE) iyo sidoo kale hayโ€™ado ay ka mid yihiin Bill and Melinda Gates Foundation.

Wakiilo ka kala socda in ka badan 20 wadan ayaa ka qeyb galaya.

Mr Sunak wuxuu ku dhawaaqay xarun cusub oo casri ah oo isku xirta saynisyahanada Ingiriiska cilmi baaris caalami ah oo ku saabsan dalagyada u adkeysiga cimilada.

Sida uu shirku ku bilaabmay, Qaramada Midoobay waxay ku boorisay deeq-bixiyeyaasha inay si degdeg ah u kordhiyaan gargaarkooda oo ay ku maalgashadaan xalalka mustaqbalka fog si wax looga qabto waxa ay ugu yeereen sababaha asaasiga ah ee gaajada.