Fadhigii 42-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.
Fadhigii 42-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada waxa lagaga wada hadlay qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:
𝟏. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:
Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdalle Maxamed Carab, isaga oo sheegay in ammaanka guud ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay mid sugan oo xasiloon, isla markaana aanay jirin khatar amni oo Qaranka halis ku ah.
𝟐. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐤𝐡𝐥𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:
Waxa Golaha Wasiirrada warbixin guud siiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Mudane Cabdilaahi Xasan Aadan. Wasiirku waxa uu sheegay hab-sami-u-socodka Dakhliga dalka ee January ilaa October in uu u socdo si waafaqsan Odoroskii Miisaaniyadda 2025-ka.
Sidoo kale, Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Diyaarinta Miisaaniyadda Qaranka ee 2026 si buuxda loo dhammaystiray, isla markaana Golaha la horkeeni doono si ay uga doodaan, una meel mariyaan.
Wasiirka Maaliyadda ayaa faahfaahin ka bixiyey kulamo hawleed midho dhal ah oo ay Wasaaradda Maaliyaddu ku yeelatay magaalada Dubai, kulamadaasi oo ahaa kuwo lagu adkeeyey iskaashi ballaadhan oo laba dhinac ah oo ku saabsan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo xoojinta Dakhliyada Qaranka JSL.
𝟑. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:
Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL, Mudane Sheekh Cabdullaahi-Baashe Daahir Jaamac oo ah Xubin ka tirsan Guddida Gurmadka Abaaraha Heer Qaran, isaga oo sheegay in Gobollada Dalka oo dhan ay Xaaladda Abaarahu sii adkaynayaan maalinba maalinta ka dambaysa, sidaa darteedna loo baahan yahay in la galo Gurmad Qaran oo lagu taakulaynayo dadkeenna ay abaaruhu saameeyeen.
𝟒. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐡𝐨𝐨𝐟𝐤𝐚 𝐗𝐨𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚:
Waxa Golaha uga xog warramay Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Mudane Dr Cumar Shucayb Maxamed. Wasiirku waxa uu sheegay in Casriyeynta iyo Tayeynta Nidaamka iyo Kaabeyaasha Dhoofinta Xoolaheenu ay tahay arrin lagama maarmaan ah oo leh mudnaan Qaran, maadaama Xoolaheenu ay yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha Qaranka. Wasiirku waxa uu xusay in tallaabooyinkan ay xoojin doonaan tartanka suuqyada dunida, tayada dhoofka Xoolaha, iyo koboca dakhliga Dalka.
Wasiirku waxa uu sheegay in Abaaraha baahsan ee ka jira dalka JSL ay saamayn xun ah ku yeesheen tirada iyo tayada Xoolaha, sidaa,darteedna loo baahan yahay in laga yeesho Talo Qaran oo lagu bedbaadinayo Xoolaheena.
𝟓. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:
Waxa Golaha uga xog warramay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Mudane Dr Xuseen Bashiir Xirsi. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL ayaa xusay in cudurrada Jadeecada, Gawracatada iyo Duumadu ay ka muuqato woxogaa hoos-u-dhac ah, isla markaana ay socdaan dedaallo ay Wasaaraddu waddo oo lagu xoojinayo ka hortagga iyo la-tacaalidda xanuunnadan.
Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu Golaha ku wargeliyey in xanuun halis ah oo lagu magacaabo Magburg Virus uu ka dillaacay dalka Itoobiya, isla markaana Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku ay waddo diyaargarow buuxa iyo kormeerro lagu xakameynayo xanuunkan isaga ah, si loo xaqiijiyo Bad-qabka bulshada, gaar ahaan deegaanada Xuduudaha.
𝟔. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐒𝐡𝐢𝐫 𝐚𝐲 𝐪𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐭𝐨 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋
Waxa ka war bixisay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Marwo Kaltuun Sh Xasan Cabdi. Wasiirku waxa ay Golaha u la wadaagtay in
Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka JSL ay qaban doonto shir heer sare ah (High-Level Development Coordination Forum), oo lagu soo bandhigi doono Mashruucyada Horumarineed ee mudnaanta gaarka u leh Qaranka Somaliland.
Shirkan ayaa isu keeni doona Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, Hay’adaha Waddaniga ah ee Somaliland, Daneeyeyaasha Horumarka, Deeq-bixiyeyaasha iyo Hay’adaha caalamiga ah, waxana diiradda la saari doonaa maalgashiga, iskaashiga iyo dar-dargelinta Mashaariicda lagu kobcinayo dhaqaalaha Dalka iyo, kaabeyaasha adeegyada bulshada.
𝟕. 𝐇𝐚𝐛𝐫𝐚𝐚𝐜𝐚 𝐓𝐢𝐫𝐭𝐢𝐫𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐮𝐦𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 (𝐓𝐚𝐚𝐫𝐢𝐤𝐚𝐝𝐚) 𝐆𝐚𝐚𝐝𝐢𝐢𝐝𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐛𝐫𝐚𝐚𝐜𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐫𝐚𝐬𝐡𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐥𝐚𝐧-𝐫𝐨𝐠𝐠𝐚 (𝐠𝐨𝐨𝐠𝐨𝐲𝐧𝐭𝐚) 𝐆𝐚𝐚𝐝𝐢𝐢𝐝𝐤𝐚:
Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Mudane Cismaan Ibraahim Nuur (Afgaab).
Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Wasaaraddu ay dejisay habraac cusub oo lagu nidaaminayo tirtiridda summadda (taarikada) Gaadiidka, maamulka Geerashyada iyo dhalan-rogga Gaadiidka, si loo helo nidaam casri ah oo hufan oo waafaqsan Sharciyada dalka JSL.
Dhanka kale, Wasiirku Gaadiidku waxa uu sheegay in dhalan-rogga Gaadiidka (googoynta) keliya la oggolaan doonaa kaddib kormeer farsamo oo buuxa, iyada oo la hubinayo in wax-ka-beddellada lagu sameeyey Gaadiidku ay u hoggaansan yihiin tilmaamaha bedbaadada iyo Xeerarka waddo-marista dalka JSL.
𝟖. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐫 𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐉𝐒𝐋 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐢𝐬𝐛𝐚𝐥-𝐗𝐚𝐚𝐤𝐢𝐦𝐤𝐚 𝐖𝐀𝐃𝐃𝐀𝐍𝐈:
Waxa ka war bixiyey Wasiirka Madaxtooyada JSL, Mudane Khadar Xuseen Cabdi, isaga oo Golaha Wasiirrada faahfaahin ka siiyey ujeeddada Shirka oo ahayd xoojinta wada-shaqaynta Xisbiga iyo Xukuumadda, dardargelinta xog-warranka iyo u dhawaanshaha taageerayaasha baaxadda leh ee Xisbiga WADDANI, iyo fulinta Barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga.
Wasiirku waxa uu xusay in kulanku uu ahaa mid midho-dhal, isla markaana kor u qaaday isku-duubnida iyo jihaynta hawlaha Xukuumadda oo la jaan-qaadaya Ajandaha Aiyaasiga ah ee Xisbiga talada haya.
𝟗. 𝐃𝐨𝐨𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐃𝐡𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧𝐲𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚:
Siyaasadda Qaranka ee Dhallinyarada JSL oo todobaadkii hore loo qaybiyey Golaha Wasiirrada si ay u akhriyaan, ayaa waxa si kooban uga warbixiyey Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Axmed-Yaasiin Maxamed Faarax iyo Garyaqaanka Guud ee Xukuumadda, Mudane Cali Baashe Maxamed, iyaga oo Golaha ka codsaday in si buuxda loo ansixiyo Siyaasaddan.
Dood iyo falanqayn kaddib, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu Golaha faray in loo codeeyo Siyaasadda Qaranka ee Dhallinyarada JSL. 37 Xubnood oo joogay Fadhigii 42-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada JSL ayaa u codeeyey Siyaasadda Dhallinyarada, iyada oo aanay jirin cid diiday ama cid ka aamustay.
𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇
𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫)
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝






