Hargeisa, (Qaran news)- Waxa maanta magaalada Hargeysa lagu daah furay mashruuc Isbitaalka Wareega (Mobile Medical team ) ah oo laga hirgelinayo Gobolada Maroodijeex, arinkaasi oo ay iska kaashadeen shirkada Telsom iyo Hay’adda Relieve Humanity International arinkani aad ugu mihiim ah bulshada.

Hadaba qoraal ay baahisay shirkada Telesom oo ay arintaasi kaga hadlayso waxa uu u dhignaa sidan hoos ku xusan

Waxa noo sharaf ah in aanu Hay’adda Relieve Humanity International oo aanu shaqo wadaagnahay kala qayb qaadano mashruuc Isbitaalka Wareega (Mobile Medical team ) ah oo laga hirgelinayo Gobolada Maroodijeex iyo Togdheer oo lagu sii bilaabi doono. Laba gaadhi oo si wanaagsan u qalabaysan kuwaas oo ay ku hawl-gelayaan koox caafimaad oo dhammaystiran kana kooban dhakhtar, kalkaaliye, umuliso, shaybaadhiiste ayaa ka hawlgelidoona deegaamada fogfog ee labadaas gobol.

Telesom Foundation ahaan anaga oo ka fekerayna in aanu sii balaadhino wadashaqaynta aanu la leenahay RHI waxa noo qorshaysan in uu gaadhsiino gobolada kale ee dalka.

Mashruucan maanta ayaa lagu daahfuray Assod Hotel Hargeisa.