Hargeysa, (Qaran news)-Shirkadaha diyaaradaha dul mara hawada Somaliland ayaa qaar ka mid ahi ay ogolaanshiiyo soo waydiisteen Wasaaradda Duulista iyo hawda ee Somaliland taasi oo ay dalbadeen in ay si sharci ah u isticmaalaan hawada Somaliland, arinkani ayaa yimid markii ay xukuumadda Somaliland ay digniino iyo waargalino siisay shirkadaha diyaaaradaha isticmaala hawada Somaliland.
Hadaba waxa ay xukuumadda Somaliland ay ogolaansho siinaysaa dhamaan shirkadihìi soo dalbaday in ay si sharciga Somaliland waafaqsan ay u adeegsadaan hawadda Somaliland waxana soo badanaaya shirkadaha soo dalbanaaya ogolaanshiiyaha in ay si sharci ah u isticmaaalaan hawad Somaliland.
Wasiirka duulista iyo hawada ee Somaliland ayaa isna dhankiisa xaqiijiyay in ay jirto in ay shirkado dhowr ahi ay soo dalbadeen in ay isticmaalaan hawada Somaliland iyaga oo raacaaya shuruucda Somaliland.






