
Fadhigii 59-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.
Fadhigii 59-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada JSL waxa lagaga wada hadlay qodobo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen:
๐) ๐๐จ๐จ ๐๐ก๐๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐๐๐ ๐๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa si rasmi ah Golaha Wasiirrada ugu soo dhaweeyey Wasiirrada cusub ee uu dhawaan u magacaabay xilalka, kuwaasi oo kala ah:
1. Mudane Aadan Geeddi Qayaad, Wasiirka W. Horumarinta Beeraha JSL,
2. Mudane Maxamed Cabdimaalik Axmed, Wasiirka W. Horumarinta Biyaha JSL,
3. Mudane Dr. Cabdisalaan Xuseen Cawaale, Wasiirka W. Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda JSL,
4. Mudane Barkhad Jaamac Xirsi Batuun, Wasiirka W. Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL.
Xubnaha cusub ee Wasiirrada ayaa hadallo kooban ka jeediyey fadhigii maanta, iyaga oo Madaxweynaha uga mahad celiyey kalsoonida uu xilka ugu igmaday, Madaxweynahana ka
codsaday in uu u duceeyo in Alle SWT ku asturo xilalka Qaranka.
Dhinaca kale, Wasiirrada cusubi waxa ay ballan-qaadeen in ay xilalkooda u gudan doonaan si daacadnimo, hufnaan iyo masuuliyad Qaran leh, iyaga oo mudnaanta koowaad siin doona danaha guud ee dalka iyo dadka Jamhuuriyadda Somaliland.
๐) ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐:
Waxa ka war bixiyey Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo), isaga oo sheegay in guud ahaanba Amniga dalku uu sugan yahay isla markaana aanay jirin wax amni darro ah ama qalalaase nooc kasta oo uu yahayba.
Wasiirku waxa uu sheegay in dedaallada nabadaynta shaqaaqooyinka Gobollada Awdal iyo Selel ay meel wacan marayaan, bulshada walaalaha ahina ay diyaar u yihiin qaadashada nabadda.
๐) ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐:
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdillaahi Xasan Aadan ayaa Golaha Wasiirrada uga xog-warramay saamaynta dhaqaale, ganacsi iyo nololeed ee ay dagaallada Bariga Dhexe ku yeesheen dalka.
Wasiirku waxa uu tilmaamay in korodhka qiimaha shidaalka, kharashaadka soo dejinta iyo Caymiska Gaadiidka Badda ay si toos ah u saameeyeen ganacsiga iyo nolosha bulshada dalkeenna taasi oo keentay culays dhaqaale oo soo foodsaaray guud ahaanba muwaadiniinta.
Sida oo kale, Wasiirku waxa uu xusay in xaaladdani muujinayso baahida loo qabo in Qaran ahaan la isku tashado, lana xoojiyo ilaha dhaqaale ee gudaha, si loo yareeyo ku tiirsanaanta suuqyada dibedda.
Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay dedaallo weyn ugu jirto sidii kor loogu qaadi lahaa Dakhliga gudaha, loo xakamayn sicir-bararka iyo qiimdhaca Shilinka Somaliland. Wasiirku waxa uu ku baaqay in la qaadaayo tallaabooyin mideysan oo lagu xakameynayo saamaynta dhaqaale ee jira, isla markaana la kobciyo wax-soo-saarka gudaha iyo iskaashiga Hayโadaha Qaranka.
๐) ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐ข๐๐๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฌ๐ค๐๐๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐ฆ๐ข๐ ๐ ๐๐ก:
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagay warbixin guud oo ku saabsan muhiimadda iyo faaโiidada istaraatiijiyadeed ee ay Qaranka Somaliland u leedahay Madax-bannaanida Dijitalka (Digital Sovereignty), gaar ahaan xilligan casriga ah. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay aqoonsigii Israaโiil kaddib in Cadowga Somaliland uu aad u batay, kuwaasi oo ku dedaalaya in Somaliland loola dagaalamo si kasta oo suurto gal ah.
Wasiirku waxa uu sheegay in xoojinta Madax-bannaanida Dijitalka ahi ay muhiim u tahay ilaalinta xogta Qaranka, Xidhiidhka iyo Muuqaalka Caalamiga ah, kobcinta adeegyada Dawliga ah, iyo horumarinta Diblomaasiyadda ku salaysan Tiknoolajiyadda. Waxa uu xusay in arrintani ay door weyn ka qaadan karto kor u qaadidda sumcadda iyo joogitaanka Somaliland ee heer caalami.
Sidoo kale, Wasiirku waxa uu shaaciyey in uu magacaabay guddi khubaro ah (Task Force) oo si aqoon, xirfad iyo xeeladba leh uga shaqayn doona hirgelinta qorshahan, isla markaana diyaarin doona istaraatiijiyad Qaran oo ku wajahan hirgelinta iyo ilaalinta Somaliland Digital Sovereignty.
Ugu dambayn, Wasiirku waxa uu Golaha Wasiirrada ugu baaqay in si wadajir ah loo xoojiyo arrintan, loona arko mudnaan qaran oo muhiim u ah mustaqbalka Jamhuuriyadda Somaliland.
๐) ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐ข๐-๐ฎ-๐๐๐ฃ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐ข๐ง๐ขโ๐๐๐๐๐ง๐ง๐ข๐ฆ๐๐๐:
Wasiirka Wasaaradda Dib-u-Dejinta iyo Arrimaha Biniโaadannimada JSL, Mudane Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac ayaa Golaha Wasiirrada uga xog-warramay hab-sami-u-socodka hawlaha Wasaaradda, isaga oo xusay in ay si joogto ah u socoto fulinta barnaamijyada dib-u-dejinta iyo taageerada bulshada nugul.
Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu muddo 8 cisho ah ay qaybisay gargaar raashin ah oo loo fidiyey goobaha ay ku sugan yihiin dadka ay abaaruhu saameeyeen ee Gobollada Bariga Dalka.
Wasiirku waxa uu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta adeegyada iyo ka jawaabidda baahiyaha degdegga ah ee bulshada nugul, isaga oo talo ahaan soo jeediyey:
1. In gargaar degdeg ah la gaadhsiiyo Gobollada Bariga Dalka,
2. In la dardar-geliyo wada shaqaynta Hayโadaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxalliga ah,
3. In la dejiyo qorshe Qaran oo lagaga gaashaamanayo Abaaraha soo noqnoqday,
4. In si joogto ah loo qiimeeyo xaaladaha nololeed ee dadka ay abaaruhu saameeyeen.
๐) ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐๐๐ฆ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐๐๐๐ฃ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฑ๐๐๐ซ๐๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐๐๐ฌ๐๐๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐๐ก:
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Professor Ismaaciil Ducaale Yuusuf ayaa Golaha siiyey warbixin ku saabsan Habraaca Maamul daadejinta Waxbarashada Aasaasiga ah, isaga oo faahfaahiyey qorshaha lagu xoojinayo ka qaybgalka heerarka hoose ee maamulka Waxbarashada.
Wasiirku waxa uu sheegay in Habraaca Maamul Daadejinta Waxbarashada Aasaasiga ay ujeeddadiisu tahay in la dejiyo Hannaan Maamul-daadejineed oo si cad u qeexaya qaabka wada shaqaynta iyo masuuliyadaha ay kala yeelanayaan Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradda Dawladaha Hoose, Goleyaasha Degaanka iyo Xafiiska Waxbarashada ee heer Degmo, gaar ahaan Degmooyinka loo daadejiyey Waxbarashada Aasaasiga ah.
Sidoo kale, Wasiirku waxa uu tilmaamay in hirgelinta nidaamkan ay kor u qaadi doonto tayada Waxbarashada Aasaasiga ah, isla markaana ay fududayn doonto gaadhsiinta adeegyo waxbarasho oo loo siman yahay dhammaan ardayda dalka.
Waxa uu xusay in habraacani uu dhiirrigelinayo wada-shaqayn dhow oo u dhexaysa Wasaaradda, maamullada hoose iyo bulshada, taas oo ka qayb qaadanaysa horumarinta Waxbarashada iyo daboolidda baahiyaha gaarka ah ee deegaannada.
๐) ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฌ๐๐๐๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐ข๐ฆ๐ข๐ฅ๐๐๐ ๐๐๐
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Mudane Cabdilaahi Cismaan (Geeljire )ayaa Golaha Wasiirrada siiyey warbixin la xidhiidha heerka u diyaar-garowga Xuska Maalinta Qaran ee Dhir-Beerista JSL15.04.2026, isaga oo sheegay in Xukuumaddu qorshaynayso in la beero 13 milyan oo geed, si loo xoojiyo ilaalinta deegaanka loona yareeyo saamaynta Isbeddelka Cimilada.
Sidoo kale, Wasiirku waxa uu si adag ugu boorriyey Xubnaha Golaha Wasiirrada iyo dhammaan Hayโadaha Qaranka in ay qaataan masuuliyad muuqata oo ku aaddan beerista iyo daryeelka dhirta, gaar ahaan xarumaha ay gacanta ku hayaan, si ay tusaale wanaagsan ugu noqdaan bulshada inteeda kale.
Wasiirka Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada JSL waxa uu carrabka ku adkeeyey in isbeddelka cimiladu si weyn u saameeyey nolosha bulshada Somaliland, miyi iyo magaalaba, taas oo ka dhigaysa mid lama huraan ah in dalka loo jiheeyo dhaqaalaha cagaaran, iyada oo dhir-beeristu tahay laf-dhabarta dadaallada lagula tacaalayo Isbeddelka Cimilada.
๐) ๐๐๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐ ๐๐ฎ๐ง๐๐๐ง๐๐๐ค๐ ๐ ๐๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐๐-๐๐๐ ๐๐ ๐๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐จ๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐๐๐:
Gunaanadkii Fadhigii 59-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Golaha la wadaagay in dedaallada nabadaynta ee Gobollada Awdal iyo Selel ay si habsami leh u socdaan, iyada oo ay halkaas ku sugan yihiin wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka JSL.
Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah hoosta uga xarriiqay doorka weyn ee ay hoggaannada dhaqanka Gobollada Awdal iyo Selel ku leeyihiin xoojinta nabadda iyo wadajirka bulshada walaalaha ah ee ku wada nool deegaannadaasi, isaga oo uga mahad naqay dedaalkooda joogtada ah ee lagu xaqiijinayo xasillooni waarta.





