Fadhigii 60-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada, waxana lagaga wada hadlay arrimo muhiim ah oo khuseeya dhaqaalaha dalka, caafimaadka bulshada iyo dood la xidhiidha saamaynta uu Dagaalka Bariga Dhexe ku yeeshay kor u kaca Maciishadda, Shidaalka iyo Sarrifka Lacagaha.
๐) ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐:
Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL ayaa si guud Golaha Wasiirrada ugaga xog-warramay saamaynta ay Dagaallada Bariga Dhexe ku yeesheen dhaqaalaha dalka, gaar ahaan kor u kaca qiimaha shidaalka, maciishadaha daruuriga ah iyo isbeddellada ku yimid suuqyada sarrifka lacagaha.
Dhinaca kale, Wasiiru-Dawlahu waxa uu soo jeediyey in Qaran ahaan la isku tashado, Xukuumadduna ay horseed ka noqoto dhiirrigelinta wax-soo-saarka gudaha, gaar ahaan dalagga beeraha, xoolaha, kalluunka iyo Warshadaha.
๐) ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐ข๐ฆ๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐:
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Golaha Wasiirrada siiyey warbixin tilmaamaysa in ay dalka ka jiraan dhacdooyin (kiisas) la xidhiidha xanuunka Jadeecada, isaga oo sheegay in Wasaaraddu ay si dhow ula socoto xaaladda.
Dhinaca kale, Wasiirku mar uu ka hadlayay feyo-qabka Caafimaadka bulshada ee la xidhiidha maaraynta Qashinka iyo Bullaacadaha, waxa uu si adag ugu dardaaray Dawladaha Hoose ee dalka iyo Hay’adaha arrintan ku shaqada leh, in ay si taxaddir leh u maareeyaan qashinka iyo bullaacadaha si looga fogaado khatar caafimaad oo uga timaadda dadweynaha JSL meel kasta oo ay ku nool yihiinba.
๐) ๐๐จ๐จ๐๐ ๐๐จ๐ฅ๐๐ก๐: ๐๐๐๐ฆ๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐๐ฒ ๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐ซ๐ข๐ ๐ ๐๐ก๐๐ฑ๐ ๐ค๐ฎ ๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐๐๐ง ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐:
Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL ayaa bilaabay dooddan iyada ah, Goluhuna waxa ay si qoto dheer uga doodeen culayska dhaqaale ee ka dhashay korodhka qiimaha shidaalka, kharashaadka soo dejinta, kor u kaca Caymiska Gaadiidka Badda iyo khalkhalka ku yimid suuqyada Ganacsiga Caalamka, kuwaasi oo guud ahaanba saameeyey awoodda wax iibsiga ee bulshada JSL. Waxa kale oo uu Goluhu falanqeeyey isbeddellada sarrifka lacagaha iyo saamayntooda ku aaddan xasilloonida suuqyada, gaar ahaan heerka sarrifka Shillinka Somaliland.
Goluhu waxa uu isla qaatay in la qaado tallaabooyin mideysan oo lagu xakamaynayo sicir-bararka, lagu ilaalinayo xasilloonida sarrifka, laguna kobcinayo wax-soo-saarka gudaha, iyada oo la kordhinayo kormeerka suuqyada badeecadaha si looga hortago ku takri-falka qiimaha shidaalka iyo badeecadaha daruuriga ah.
Ugu dambayn, Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland waxa ay shacabka u xaqiijiyeen in Xukuumaddu ay si dhow ula socoto xaaladda, isla markaana ay ka goโan tahay ilaalinta xasilloonida dhaqaale iyo nololeed ee dalka.





