
Fadhigii 74-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo uu wehelinayo Madaxweyne ku-xigeenka JSL, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.
Qodobbada ugu muhiimsan ee lagaga wada hadlay Fadhiga 74-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada JSL waxa ka mid ahaa:
1. ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐ ๐๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐ ๐๐๐ซ๐๐ง๐ค๐:
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka JSL, Mudane Cabdalle Maxamed Carab, ayaa Golaha Wasiirrada uga xog-warramay xaaladda amniga iyo xasilloonida dalka, isaga oo adkeeyey in amniga Qaranku uu yahay Tiirka koowaad ee xasilloonida iyo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ay Xukuumaddu si joogto ah u xoojinayso feejignaanta iyo wada-shaqaynta ka dhaxaysa Hayโadaha Amniga Qaranka.
Wasiirku waxa uu Golaha u xaqiijiyey in guud ahaan ammaanka dalku uu wanaagsan yahay, Hayโadaha Amniguna ay si buuxda ugu diyaarsan yihiin ilaalinta qarannimada, nabadda iyo kala dambaynta dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
2. ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐:
Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Mudane Ismaaciil Mawliid Cabdilaahi ayaa Golaha Wasiirrada uga xog-warramay xaaladda guud ee Dhaqaalaha Dalka, isaga oo sheegay in Wasaaraddu ay dedaal badan gelisay dib-u-habaynta iyo casriyeynta Nidaamka Maamulka Maaliyadda Qaranka.
Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay hirgelisay nidaam cusub oo electronic ah oo lagu xoojinayo laguna casriyeynayo dhammaan Dukumentiyada leh qiimaha lacageed, sida: Liisamada, Ruqsadaha iyo Shahaadooyinka.
Wasiirku waxa uu si guud u iftiimiyey ujeeddooyinka iyo faaโiidooyinka uu nidaamkani u leeyahay Qaranka JSL.
3. ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ก๐ข๐๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ก๐๐๐๐:
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur ayaa Golaha Wasiirrada siiyey warbixin la xidhiidha xaaladda Shidaalka iyo Maciishadda dalka, isbeddellada qiimeyaasha suuqa, sabbaynta suuqa isku-beddelka sarrifka lacagaha, kor-joogtaynta iyo hubinta kaydka shidaalka dalka.
Wasiirku waxa uu sheegay in korodhka qiimaha shidaalka iyo maciishaddu ay tahay dhacdo caalami ah oo saamaysay suuqyada dunida oo dhan, taasoo salka ku haysa xaaladaha amni ee ka jira Bariga Dhexe.
4. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐จ๐ซ๐ฒ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐ฎ๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐ญ๐ ๐๐ ๐๐จ๐๐จ๐ฅ๐ฅ๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐:
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL, Mudane Axmed-Yaasiin Maxamed Faarax ayaa Golaha Wasiirrada uga xog-warramay habsami-u-socodka Horyaalka Kubadda Cagta ee Gobollada Dalka, iyo qorshaha Wasaaradda ee la xidhiidha dayactirka iyo horumarinta garoommada ciyaaraha ee Gobollada.
Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu sheegay in dhawaan dalka, gaar ahaan Hargeysa, lagu qaban doono Orodka Badh-Mahratoonka Caalamiga ah oo la filayo in ay sannadkan ka soo qayb galaan orodyahanno ka kala imanaya ilaa 11 dal.
Wasiirku waxa uu sheegay in arrintani ay Jamhuuriyadda Somaliland u horseedayso fursad muhiim ah oo lagu horumarinayo ciyaaraha fudud laguna xoojinayo xidhiidhka caalamiga ah ee dhinaca ciyaaraha.





