๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐
Fadhigii 49-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.
Fadhigii 49-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada waxa lagaga wada hadlay qodobo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen:
1. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐ข๐ข๐ง๐ญ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฐ๐ช๐๐๐๐ญ๐ ๐๐๐:
Waxa Golaha Wasiirrada warbixin waafi ah ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL, Mudane Sheekh Cabdullaahi Baashe Daahir Jaamac, isaga ka hadlay doorka Wasaaradda ee ku aaddan Wacyigelinta bulshada Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan xilligan taariikhiga ah ee uu bilaabmay aqoonsiga bulshada Caalamka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Wasiirku waxa uu si weyn u bogaadiyey Culimada Sharafta leh ee Somaliland, isaga oo xusay Masuuliyadda iyo doorka wacan ee ay Culimada reer Somaliland ka qaateen difaaca qaddiyadda ictiraafka Qaranka JSL.
Dhanka kale, Wasiirku waxa uu si cad u diiday una cambaareeyey faragelinta qaawan ee Culimada Soomaaliya ee arrimaha diinta ku gabbanaya, kuna tilmaamay mid siyaasadaysan oo ka baxsan mabaadiโda Islaamka, isla markaana aan waxba ka beddelayn xaqa Jamhuuriyadda Somaliland ee goโaaminta masiirkeeda iyo xidhiidhada ay Jamhuuriyadda Somaliland la yeelanayso bulshada Caalamka. Wasiirku waxa uu hoosta ka xarriiqay in aqoonsiga ay Dawladda Israaโiil siisay Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay mid xaq ah oo aan haba yaraatee wax u dhimayn Diinta iyo Caqiidada Islaamka ee ummadda Jamhuuriyadda Somaliland.
2. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ญ๐ข ๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ ๐๐ก ๐๐ฒ๐๐ ๐ค๐จ๐ซ๐ฆ๐๐๐ซ ๐ค๐ฎ ๐ญ๐๐ ๐๐ฒ ๐๐จ๐๐จ๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐ฐ๐:
Waxa Golaha uga xog warramay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta, Mudane Xuseen Axmed Caydiid, isaga oo sheegay in wefti ka kooban hawl-wadeennno badan oo ka tirsan Xukuumadda (Wasiirro, Agaasimeyaal Guud, Agaasime Waaxeedyo, iwm) ay safar shaqo ku tageen Gobolka Hawd, isla markaana ay soo kormeereen Degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolku.
Wasiirku waxa uu sheegay in ay u kuur-galeen xaaladda guud iyo baahiyaha aasaasiga ah ee haysta bulshada ku nool Gobolka Hawd, iyaga oo kulanno kala duwan la yeeshay maamulka iyo bulshada deegaanka, taasi oo diiradda lagu saaray adeegyada biyaha, caafimaadka, waxbarashada iyo saamaynta baโan ee ay Abaaruhu ku yeesheen nolosha bulshada iyo xoolaha Gobolka Hawd. Wasiirku waxa uu sheegay in baahiyaha degdegga ah iyo arrimaha mudnaanta leh loo gudbin doono Wasaaradaha iyo Hay’adaha Xukuumadda ee ay khusayso si wax looga qabto.
3. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ก๐ ๐๐จ๐จ๐ฌ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐:
Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka, Mudane Xasan Axmed Yuusuf (Macallin), isaga oo sheegay in uu kormeer ballaadhan ku tagay 63 degmo oo ka tirsan dalka, isaga oo si dhow u qiimeeyey xaaladda nololeed ee bulshada, heerka adeegyada aasaasiga ah iyo caqabadaha ka jira degmooyinkaasi. Wasiirku waxa uu xusay baahiyo degdeg ah oo la xidhiidha biyo, caafimaad, waxbarasho iyo kaabayaal, isla markaana Wasiirku waxa uu iftiimiyey saamaynta baโan ee ay abaartu ku yeelatay nolosha dadka iyo xoolaha nool, isaga oo ku baaqay in Qaranka JSL iyo Guddida Gurmadka Abaaraha Heer ay si degdeg ah uga jawaabaan xaaladda sii adkaanaysa ee ay ku sugan yihiin dadka iyo xoolahaba.
5. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐ก๐๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง๐ฒ๐๐ซ๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ฒ๐๐๐ซ๐๐ก๐:
Waxa Golaha Wasiirrada warbixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL, Mudane Axmed-Yaasiin Maxamed Faarax, isaga oo sheegay in Koobka Horyaalka Horyaallada Naadiyada Kubadda Cagta ee ka socda Berbera uu u socdo si habsami leh, isla markaana uu yahay mid si wanaagsan loo soo agaasimay.
Wasiirku waxa uu xusay wada-shaqayn buuxda oo ka dhexaysa hayโadaha amniga, maamulka Gobolka Saaxil, maamulka Degmada Berbera iyo bahda ciyaaraha, si loo xaqiijiyo nabadgelyo, tartan hufan iyo dhiirrigelinta horumarinta ciyaaraha Qaranka. Wasiirku waxa uu sheegay in ciyaarahani ay soo jiiteen bulsho aad u badan, gudaha iyo dibeddaba, daawashadooduna ay kor u kacday (2.5 Million Viewers).
6. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐๐ซ๐๐๐๐๐ข๐ง๐ญ๐, ๐๐ก๐๐ช๐๐ง๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐ฒ๐ข๐ ๐๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐:
Waxa Golaha Wasiirrada warbixin guud ka siiyey Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL, ahna ku-simaha Wasiirka, Muuse Askar Guuleed, isaga oo sheegay doorka muhiimka ah ee ay Wasaaraddu ka qaadatay faafinta, habaynta iyo gudbinta wararka iyo xogaha rasmiga ah ee la xidhiidha aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale, Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay si dhow u kor-joogtayso (monitoring) wararka iyo xogaha ay Warbaahinta Caalamku ka qoraan ama ka tabiyaan arrimaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in ay Wasaaraddu xaqiijisay in warbaahinta Qaranka iyo Warbaahinta madaxa bannaan ee u taagan difaacidda Qarannimada JSL ay si isku-duuban, hufan oo ay masuuliyadi ku jirto u tebiyey arrintan, iyada oo la xoojinayo wacyigelinta bulshada, difaaca xaqa Somaliland iyo gaadhsiinta caalamka fariinta Qaranka.
Sidoo kale Wasiirku waxa uu si gaar ah u xusay qaabka dal-jacaylka iyo naf-hurnimada leh ee ay muujiyeen Warbaahinta Madaxa-bannaan iyo dadka baraha bulshada saameynta ku leh ee
Jamhuuriyadda Somaliland, taasi oo ay si weyn ugu ammaanan yihiin.
Wasiirku waxa kale oo uu xusay in Wasaaraddu ay samaysay suugaan kala duwan oo lagu xoojinayo aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo midnimada bulshada, sidoo kalena loogu jawaabayo cadowga kala duwan ee ka soo horjeeda Qarannimada JSL iyo Aqoonsiga aynu helnay.
7 . ๐๐จ๐จ๐๐๐ ๐๐ข๐ฒ๐๐๐ฌ๐๐๐๐ ๐๐๐ซ๐๐ง๐ค๐ ๐๐ ๐๐๐๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐ ๐๐ก๐ฎ๐ฅ๐ค๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐:
Waxa halkeedii ka sii socotay dooddii uu Golaha Wasiirrada ee Siyaasadda Qaranka ee Maamulka Dhulka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ujeedadeedu tahay dejinta nidaam maamul dhuleed oo hufan, ku dhisan caddaalad, isla markaana ka jawaabaya baahiyaha bulshada ee sii kordhaya.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ),
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐






