Wada hadaladii Turkiga uga socday Somalia iyo Itoobiya ayaan sidii loogu talagalay u hir galin.
Dawlada Turkiga oo shirkani isugu keentay labada dhinac ayaa markii la isku mari waayay ayaa waxa shirkaasi laga ilaaliyay in uu fashilmay waxana wasiirka arimaha dibada ee Turkigu uu sheegay in laba bilood kadib hadana dib la isugu soo noqon doono wada hadal kale kulankaasi oo dhici doona bisha 9’aad labadeeda nuxurka hadalkiisa ugu waynina waxa uu ahaa in uu kulan danbe uu dhici doono isga oo luuqad qurxin ah ku ladhay hadalkiisa sidii uu maanta u dhacay kulankii labada dhinac.
Wararka aan helayno ayaa sheegaay in ay Itoobiya ku adkaystay in heshiiskii is fahamka ahaa ee ay la gashay Somaliland uu sidiisa u fili doono isla markaasna ay Itoobiya diiday in ay isticmaasho dekada Hobiyo kadib markii ay dawlada Soomaaliya ay soo jeedisay in ay joojiso isticmaalka dekada Berbera iyo heshiiska is faham ee ay la gashay Somaliland.
Halkan hoosenka daawo hadalada wasiirka arimaha dibada ee Turkiga oo ka hadlaaya arinkaasi.