Shirkadda dekedaha iyo saadka ee Dubai ee DP World waxay doonaysaa in Somaliland – oo ah halka ay ka maamusho dekedda – loo aqoonsado qaran madaxbannaan. Waxa ay ku biireysaa kooxda sii kordheysa ee siyaasiyiinta Mareykanka, oo uu ku jiro Senator Ted Cruz, kaas oo taageeray tallabada, laakiin ma jiro waddan weli diyaar u ah in uu aqoonsi siiyo jamhuuriyadda goosatay.
Guddoomiyaha kooxda DP World ahna madaxa shirkadda Sultan Ahmed bin Sulayem ayaa sheegay in aanu waxba ka qabin maalgashiga dekedda 2016-ka, isaga oo isha ku haya kobaca dhulka oo kaliya balse sidoo kale suuqa wayn ee Itoobiya oo aan bad lahayn. Ka dib markii ay ku maalgelisay in ka badan 400 oo milyan oo doolar si ay u balaadhiso xarunta si ay u maamulaan maraakiibta xamuulka ee ugu waaweyn, waxa ay shirkaddu sidoo kale ka dhisaysa aagga wax soo saarka iyo ganacsiga ee Berbera u dhow.
Isaga oo uu wehelinayey Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi oo ka qayb galayey doodda Afrika ee Dubai, Bin Sulayem waxa uu ammaanay amniga, xasilloonida, iyo deegaanka ganacsi ee dalka. Waxa uu sheegay in aqoonsigu uu keeni doono ganacsi iyo maalgashi badan, isaga oo intaa ku daray in ganacsiyo badan ay u hanqal taagayaan in ay halkaas ka hawlgalaan, kuwaas oo ay soo jiiteen hantida macdanta, beeraha iyo xoolaha, iyo sidoo kale dekedda hufan iyo xarunta saadka oo si degdeg ah u soo geli doonta suuqyada gobolka.
C/Laahi waxa uu qaddiyadda aqoonsiga ku sheegay in dadka reer Somaliland ay ka duwan yihiin Soomaaliya inteeda kale, oo dhawr iyo toban sano ay ragaadiyeen xasillooni darro. Waxa uu sheegay in uu yahay “hogaamiyaha kaliya ee la doortay ee Soomaaliyeed”, hadalkaas oo labaduba ah mid ka dhan ah madaxda aan la dooran ee Muqdisho iyo buuxinta shuruudaha aqoonsiga dowladnimo.






