Sida xaaladda Laascaanood loo wajahaya aad iyo aad ayey ila fool-xuntahay, Garaadada qiimaha badan ee Dhulbahante way garnaqsadeen, talladoodiina way cadeeyeen, laakiin dhinaca xukuumadda Ina Biixi waxay ula dhaqmaysa Garadada si garashada iyo masuuliyadda ka fog.
Madaxweynahii qarranku lahaa intuu meel fagaare ah soo istaagay, ayuu iclaamiyay magaaladii iyo xita goobtii shirku ka dhacaayay, isagoo aan wax idam ah ka helin Garaadada, waa nusqaan hogaamineed halkii ugu hoosaysay, weli ilaa haddana aan isweydiinayo waxaa noocaas ahi siday hogaamiye qarran uga suurtagasho.
Xukuumadda Madaxweyne Biixi waxaa ku waajib ah in laba tallo mid yeesho:
1. Inay masuuliyadda nabadda iyo collaada labadaba dhabarka u ridato, oo ay xal nabadeed ama mid military midba ku soo dhamayso xaaladda degmada Laascanood.
2. Inay aqbasho baaqa iyo shuruudaha Garaadada Dhulbahante oo ah in ciidamada laga saaro carro dhulbahante.
Labada wax ka dhaxeeya, anigu yac-yacood aan tallo lagu gaadhi karin ayaan u haysta, xalna keeni maayan Salaadin aan jirin oo Somaliland ka tagaya.
Salaadiinta Jamhuuriyadda Somaliland laba arrimoodba awood uma laha inay xal kaga keenaan collaada Laascanood.
Waa mida koobaad eh, arrinta Laascanood arrin dhaqan maaha eh, waa arrin siyaasadeed, Laascanood Geel laguma kala dhicin, laba reeroodna iskuma haystaan, dil mageedna la iskuma weydiisanayo, ee waxaa la isku haya waa arrin masiiri ah oo siyaasadeed, oo taabanaysa qaddiyado is hirdinaya, Garaadadu waxay taaganyahiin anagu Somaliland ma nihin, kamana mid noqonayno.
Sida darteed, Salaadiin kasta oo Garaadada hor fadhiisata awood uma laha ay ku go’aamiyaan arrimaha masiiriga ah, awood ay ciidanka kaga soo qaadan Laascanoodna malaha, awood ay Somaliland ku qanciyaan dhulbahante ka mid maaha Somaliland malaha, marka waa iska wakhti lumis xalka lagu sii murginayo.
Waa mida labaad eh, intii madaxweyne Muuse Biixi tallada hogaanka Jamhuuriyadda Somaliland joogay, wuxuu wiiqay awooddii Saldanada Jamhuuriyadda Somaliland, qaarbu xabsiyada dhigay, kuwii kalana talladii dhaqanka ee ay lahaayeen ayuu ka fara-maroojiyay, marka salaadiin midaysan oo go’aan gaadhi karta ma jirto, waa kuwa iyagoo kala socda midba meel hadal ka sii daynayo
Ugu danbayn, xalku xukuumadda Muuse Biixi ayuu hor yaalla, yaan burush dhiiqo leh cid aan ku munaasab la marin
Wa bilaahi Tawfiiq