TALO ADIGAA KU NOOL EE IYADU KUGUMA NOOLA
Somaliland meel ay ku socoto anigu garan maayo. Muuse Biixi in uu ku fashilay hogaamintii qarankuna way caddahay oo cidna caad kama saarna. In uu ka horbaydho doorashada oo isbedel cusubi yimaado ma ogola sida aan arkayo. Khilaafkii siyaasdda markaa waxa laga filaa waa halkiisii iyo ka sii daran. Qarax Laascaanoodna goor aan loo fadhiyin ayuu durba sidii webi karaar dhaafay in uu karkaarka jebiyo halis u yahay.
Muuse hadal lagama hayo aamuskuna khayr uma soo sido. Xalka sida uu u bartay waa in tiisa uu qasab ku meel mariyo cidii ka hor timaad waa xadhig iyo xabad waxa uu miciinsadaa ee xal kale ku deyi maayo sida caadada u ah ee looga bartay. Xadhig iyo xabbadina xal maaha mana u noqon karto khilaafka siyaasadda iyo qarax Laascaanood midna.
Hadii ay sidaa tahay xaaladda Somaliland kama dabaalan karo xalkuna waa isbedel dhakhso ah isaguna dee doorasho ayuu ku xidhan yahay. Sida ay ku socoto malaha Muuse waxa u dan ah in xilka uu iska dhiibo uu kaga xuubsiibto Madaxwayne xigeenkiisa si uu dalka doorasho degdeg ah u gaadhsiiyay. Hadii kale tu walba ka yaab oo in xaaladda dalku ay farahiisa ka baxdo ama Somaliland ay gacantiisaba ku burburto maaha wax aan laga filan karayn.
Tii Allehna maqan waana ta ay noqonayso eh tu kale noqon mayso eh Allahayow sida roon uun saw maaha waxa inala gudbooni.
May be an image of 2 people and people standing