sidee dalkan yar ee Qatar uga mid noqday wadamada ugu qanisan caalamka?

Dhismayaal dhaadheer oo ku yaala Doha oo ay ku sawiran yihiin koobka aduunka

Magaalada Doxa ee caasimadda Qadar, waxaa soo baxayay sanadkan 2022 muuqaallo xiiso leh oo isugu jira garoomo, waddooyiin iyo dhismooyiin qurux badan.

Tan iyo markii dalka Qadar ay ku guuleysteen martigalinta Koobka Kubadda Cagta Adduunka, waxaa isa soo tarayay muuqaalada xiisaha leh ee ka imanaya dalkan yar.

Qarni ka hor, 1922, dalkan yar ee Khaliijka oo ay ku nool yihiin saddex milyan islamarkana dhulka uu ku fadhiyo uu dhan yahay 12,000 oo kilomitir oo laba jibbaaran wuxuu ahaa dhul lama deggaan ah, .

Waxaa dalka Qadar dadka ku nool ay ahaayeen kalluumaysato iyo reer guuraa ka yimid saxaraha fog ee badda Carabta.

Dad yar oo dad’dooda ay 90 jir tahay ayaa maanta xasuusan kara duruufihii dhaqaale ee adkaa ee ay ku noolaayeen 1930-kii iyo 1940-meeyadii, waxaa dadka dalka Qadar ay shaqo u raadsan jireen meelo kale sida Japan.

Qarnigaas, Qadar waxay lumisay ilaa 30% dadkeedii ka tagay si ay fursado dibadda ah u raadsadaan. Toban sano ka dib, 1950, waxay lahayd dad aan ka badnayn 24,000 sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Laakiin wakhtigaas dhaqaalaha Qadar waxa uu ku jiray xilli isbedel uu ku socday. Waxay heshay wax lagu tilmaamay mucjiso, taasi oo ahayd markii la helay kaydka shidaal ee ugu weyn adduunka.

Hadda Qatar waxay leedahay dhismayaal dhaadheer iyo kuwo waaweyn oo aad u qurux badan, jasiirado macmal ah iyo garoomo kubbadda cagta oo casri ah.

hadaba waxaan halkan idinkula wadaagaynaa oo aan falanqeyneynaa seddex isbedel.

1. Helitaanka Shidaalka

Markii la helay shidaalki ugu horeeyay ee qadar

Qadar markii ay heshay dahabkeeda madow, (Shidaalka) weli ma noqon qaran madax-banaan, waxayna ku jirtay gacanta Ingiriiska, oo qabsaday dhulkaas 1916-kii.

Sahan dhawr sano ah ka dib, kaydkii ugu horreeyay ee shidaal ayaa laga helay gobolka Dukhan 1939-kii, oo ku taal xeebta galbeed ee dalka oo 80 kiiloomitir u jirta Doha.

Waxay ay Qadar soo jiidatay warshadaha , halka maalgashadayaasha ay bilaabeen inay yimaadaan Qadar, halkaasi oo koriinka dalka uu ka bilaabmay.

Sannadkii 1950-kii Qadar waxa degganaa in ka yar 25,000 laakiin 1970kii waxa ku noolaa in ka badan 100,000 oo qof.

Waddankii dadkiisu ku tiirsanaayeen kalluumaysiga 1970-kii Qadar waxaa u bilaabmay in uu kobco wax soo saarka guud (GDP) oo gaaray in ka badan 300 milyan oo doolarka Mareykanka ah.

Sanad ka dib, Qadar ayaa lagu dhawaaqay in ay tahay waddan madax-bannaan ka dib markii ay isga baxeen Ingiriiska. Waa cusub ayaa u baryay kaasi oo isna la yimid hal-abuur labaad oo dalkan qani ka dhigay.

Helitaanka Gaaska dabiiciga ah

Intii lagu guda jiray sahanka, 1971 injineeradu waxay heleen kayd gaas ah oo ku yaal dhanka waqooyi, ee xeebta Qadar.

Gaaska dabiiciga ah ee qadar

Shirkadda Qatargas, oo soo saarta gaaska dabiciga ah ee adduunka – ayaa ka mdi ah qaybaha ugu muhiimsan ee gacan ka geystay kobaca dhaqaalaha Qadar.

Laakiin si la mid ah Shidaalka, faa’iidada weyn ee iibka gaaska ayaa si tartiib tartiib ah u kordheysay tan iyo xilligaasi.

Kacaankii 1995 ka dhacay ee Boqortooyada

Kobaca dhaqaale ee Qadar wuxuu kor u kacay bilawgii qarnigii 21aad.

Intii u dhaxaysay 2003 iyo 2004, Waxsoosaarka Guud ee Gudaha, wuxuu sare u kacay 3.7% ilaa 19.2%.

Laba sano ka dib, 2006, dhaqaaluhu wuxuu kordhay 26.2%.

Kobaca dhaqaalaha waxaa saldhig u ahaa xasiloonida Qadar sanadihii la soo dhaafay.

Hamad bin Khalifa al Thani waxaa loo arkaa in uu hormuud ahaa isbadalak dhaqaale

Dib-u-habayntan dhaqaale waxay dhacday ka dib markii Hamad bin Khalifa al Thani, oo ah aabaha amiirka hadda ee Tamim bin Hamad Al Thani, uu xukunka la wareegay 1995-tii, taas oo dadka qaar u ahayd dhacdo adag, sababtoo ah sida ay u dhacday. Wax soo saarka guud ee dalka Qadar wuxuu ahaa $61,276 sanadka 2020. Haddii aan sidoo kale eegno arrinta awoodda wax iibsiga, waxaa uu gaaray $ 93,521 sida uu sheegay Bangiga Adduunka, taasi oo ah heerka ugu sarreeya adduunka. Intaa waxaa dheer, dalka Qadar ayaa bixiya mushahar sare, iyo sidoo dalka oo leh waxbarasho wanaagsan iyo nidaamyada caafimaad oo aad u horumarsan. Caqabadda dhaqaala ee la soo darsay Qadar Si kastaba ha ahaatee, kobaca wanaagsan ee dhaqaalaha Qadar ayaa waxaa la soo gudboonaaday caqabado sanadihii ugu dambeeyay.

Waxa ka mid caqabadaha ay la kulmi doonto mustaqbalka, arrinta tamarta shidaalka, oo laga digay saameynta ay keentay gaar ahaan saamaynta ay ku leedahay isbeddelka cimilada.

Waxaa intaa dheer , cunaqabateynta ay Qadar ku soo rogeen intii u dhaxeysay 2017 iyo 2021 Sacuudi Carabiya, Imaaraadka, Baxrayn iyo Masar ka dib xurguf diblomaasiyadeed oo dhexmartay. Cunaqabateyntaasi waxaa ay banaanka soo dhigtay awoodda iyo adkeysiga dhaqaalaha Qadar.

Dhaqaalaha Qatar ayaa imika muuqda ka dib markii ay in ka badan 200,000 oo milyan oo dollar oo ay ku maal-gelisay Koobka Adduunka,.

Waana lacagtii ugu badnayd ee ku baxda koobka aduunka waxaana lacagtan loo isticmaalay – dhismaha 8 garoon, garoon diyaaradeed, iyo waddooyiin.

Su’aalaha ay dad badan oo caalamka ah is weydiinayaan ayaa waxaa ka mid ah sida loo soo agaasimay ciyaaraha, iyadoo ay jiraan cabashooyin ka imaanaya hay’adaha xuquuqul insaanka oo ku aaddan xaaladda shaqaalaha ku howlan dhismaha oo intooda badan ka yimid dalal ay ka mid yihiin Nepal, India iyo Bangladesh.

Waxaa sidoo kale jira, eedeymo musuqmaasuq iyo laaluush ah oo ka dhan ah Qadar iyo xiriirka caalamiga ah ee kubada cagta (FIFA) markii la soo xulayay dalka martigalinaya Koobka aduunka 2010.

Marka laga soo tago eedeymahaas, waxaa cad in tani ay ka badan tahay Koobka Adduunka ee dal yar oo waqti yar gudaheed qani ku noqday, haatanna doonaya in uu muujiyo kaalintiisa ah in uu yahay juqraafi ahaan dal muhiim oo hormarsan.