Sirta Qaxoontiyadii Waqooyi ee 1980-naadkii
XASUUS: Suuqii Doqon-Ma-Waaye ee Hargeisa. (Q.1aad)

Markii uu xoogaystey halgankii SNM 1980-Naadkii ee jabhaddaas xaq u dirirka ah ay naafaysay ciidamadii ku teedsanaa xuduudaha goboladii waqooyi la wadaagayeen Itoobiya, ee xalkasta oo uu Siyaad Barre isku deyey uu fashilmay ayaa ay timi in lagu fikiro shaqadii gaalkii FIRCOON.
Markii la loodin waayey jabhaddii SNM ee ay habeen iyo maalinba geleleftay ciidamadii Siyaad Barre ayaa duqaaddii u joogtey taliskaas gobolka waqooyi kula taliyeen in la isir dooriyo dadka asalka u leh dhulkan ee taageersanaa halgankaas.
Sida ku xusan warbixinta taariikhiga ah ee A Government at War with its people (An Africa Watch Report January 1990), waxaa ku xusan sheekooyin xanuun badan oo ku saabsan sida dawladdaasi isugu dayday iney dhulka ISAAQA ugu beerto dad kasoo jeeda gobolka Soomaalida Itoobiya ka akhri (Refugee from the Ogaden p.30) Bogga 30-naad waxaad ka helaysaa in Siyaad Barre go,aansadey inuu deegaan kaga dhigo beelaha Ogaadeen, Geri, Warwaro iyo xataa Oromo oo dejiyo gobolkii waqooyi dhul badan oo ka mid ah sida…. La Soco….

Shacbaan Ahmed
shacbaana59@gmail.com