Siyaasaddu waa jimicsiga dadka waawayn ee aragti, han iyo yool leh.

Waxa kaliya oo fahmi kara dareenka siyaasiga qof garaad durugsan leh lakiin dadka caadiga ah waxay qiimeeyaan muuqalada iyo waxa warbahintu gudbiso, balse qofka siyaasiga ahi waxa uu la falgalaa waayaha , waxa uu si qoto dheer u fiiriyaa dhacdooyinka una kala saaraa xaqiiqooyin iyo mala-awaal, waxa uu ka faaidaystaa waayo aragnimada dadkii ka horeeyey, ugu danbayna waxa uu diiradda saaraa rabitaankiisa iyo dantiisa iyo rabitaankii dadkiisa. Marka ay is waafaqaan dantiisa iyo rabitaanka dadkiisa ayuu go,aan qaataa.
Dadka qaar waxay u haystaan siyaasigu marka uu dhex dabalanayo siyaasada in uu dabaalanayo gal yar balse ma oga in siyaasigu galka uu ku dabalanayaa yahay Bad-weyn mana oga in aan siyaasi Ruugcada ah dhayal lagu noqon ee ay u baahantahay calool adayg iyo sabir qotodheer”.
Axmed Muumin Seed
Wasiirka hore ee Beeraha Somaliland .
May be an image of 1 person