“Muusaa Riyooday (Ali Biixi).

Aan kuu hor marayee, ” Siyaasadu Munaafaqad Maaha” Siduu mooday M.biixi.aaha.

Sidaasna waxa lagu daawasiiyey hurdo intuu seexday uu ku riyooday. Labada wax ee uu ugu baqdinta badan yahay,waana la hor keenay sidda uu isaguba hore sheegay ee uu yidhi waxan ka baqaa waxa weeye:-

(1) Libaaxa Iyo.
(2) Xabashidda.

Ifka baana lagu sii tusay ” Raggii ma adigaa ka hadhay” maalin Isaga oo dhex lugaynaayay meel kayn yar ah ,
oo shimbiruhu ka wada heesayaan, ayaa waxa uu maqlay qof qaylinaaya iyo Libaax wada socda oo ku soo wada ordaaya, ilayn naftu orod bay kugu aamintaaye, waa ka cagaha wax ka deyey ee ka cararay wixii la tusay, in yar markii ay u soo jiraan, ayuu Ceel kaga dhacay Xabashigii iyo Libaaxii, labaddii oo wadda socdda ayaa Ceelkii isa soo kor5 taageen. Markii ay waxoogaa ceelkii dul joogeen bay iskaga tageen .

Ceelkii markii uu ku dhacay askariga sare ku yaal, waxa uu qabsaday 2 Xadhig oo ceelka hoos ugu laalaadda, waxana uu ceelka guntiisii ku arkay Mas weyn oo ku soo socdda. Xaggii sarena wuu eegay oo waxa uu arkay 2-ba Jiir, oo xadhigii uu haystay afkooda ku jaraaya. Askariggii qaylo ayuu miciinsaday, ilayn wax kale ma hayee, dabeed dhawaaq dheer buu ka kacay, isaga oo labadda jiir u sheegaya in ay joojiyaan xadhiga ay u jarayaan.

Intaasi markii ay dhacday, baa Isagoo weli meeshii ka lusha, ayuu gacanta la galay wax qoyan oo aanu kolkaas garanayn. ka dibna wixii ayuu dhadhamiyay. shaw waaba Malab aad u macaan oo shinni ayaa Malab ku samaysatay derbiga ceelka gudahiisa,

Askariggii farxad awgeed intuu ilaaway Maskii ku soo socday iyo Jiirkii xadhiga u jaraayey,
Ayuu Malabkii iska dhuuqay. Iyaba waa yaabe markuu farihii muudsaday ayuu yidhi, ma anaa halkan macaaan ka filaayeyba, mar qudha oo keliya ayuu hurdaddii ka kacay oo Riyadii ka toosay.

Wixii askariga la tusay baa wuxuu ula tegey Oday fasira riyadda. Òdayggii waxa uu ku yidhi:- Oo miyaanad fahmin? Maan fahmin buu ku celiyey. Odayggii waxa uu ku yidhi : Ninkii xabashiga ahaa iyo Libaaxii ee ku eryenaayay waa ” Mawla-kulmeedkii Israafiil (cs)” ee nafta dadka ka qabta. Ceelkii uu Masku xadhiga kuu jaraayeyna waa ” Qabrigaagii Xabaashaadii”. Xadhigii ay 2-da jiir kuu jarayeena waa :- “Habeenka iyo Maalinta” kuu hadhay oo soo dhamaaday, cimrigaagii ayaa halka gabal ugu dumay.

Askariggii isagoo fajacsan, labadda dhaban haysta ayuu yidhi:- Oo oday Malabkuna muxuu ahaa? Odaygii ayaa ugu jawaabay:- Waa. ciyaartii dunidda iyo Madaxnimada oo ku ilawsiisay dhaartii aad u gashay ummadan aad si walba u baabi’lsay, kaana danbeyso dhimasho, xabaal iyo xisaabi. Ee orod inta aan lagu xisaabin, adigu is xisaabi meel xun iyo naarta jahanama baad dul joogtaaye. Muwaadin askariga ayaa hore u sheegay 2-da wax ee uu ka baqdaa
Inay yihiin Xabashida iyo Libaaxa

Cli Biixi
somal.calibiixi@gmail.com