Siyaasi Axmed Muumin Seed oo cadho kaga maqan xisbiga Kulmiye

Warar xogaal ah oo ay warbaahintu heshay waxaa ay sheegayaan in Siyaasi Axmed Muumin Seed uu cadho kaga maqan yahay xisbigii uu tacabka Badan galiyey ee KULMIYE Wakhtigii Musharax nimada madaxweyne Muuse Biixi .
Siyaasi Seed ayaa xogaha aanu helnay ay sheegayaan in aanu ka qeyb gelin 6 shir oo guddida fulinta ee xisbiga Kulmiye iskugu timid dhawrkii bilood ee ugu danbeeyey .
Siyaasigan ayaa sidoo kale waxaa uu ka cudur daartey inuu ka mid noqdo 8 xubnood oo Madaxweyne Muuse Biixi u magacaabey inay kormeer ku tagaan gobalada dalka , si ay u soo qiimeeyaan Mustaqbalka Kulmiye .
Xogaha ayaa intaas ku daraya in Axmed Muumin Seed uu dhawaan safar ugu bixi doono Deeganada uu ka soo jeedo ee Gobalka Awdal , kaas oo u kala soo tashan doono mustaqbalkiisa siyaasadeed iyo halka uu jiheysan doono xiligan adag ee lagu jiro kala guurka siyaasadeed
Ila hada lama oga halka uu saldhigan doono siyaasigan reer Awadal oo hore uga mid ahaa Aas aasayaasha xisbiga WADDANI .
X- ilays .
May be an image of 2 people, people sitting and indoor