Siyaasiga Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, xoghayaha Dhallinyarada Ciyaaraha Mudane Yuusuf Nuux Yuusuf iyo saraakiil kale oo Xisbiga ka mid ah ayaa galabta kaga qayb galay ciyaar xiiso badan oo u dhexeysay Degmooyinka Axmed Dhagax iyo 31-ka May oo ka dhacday garoonka Hargeysa Istaadyoom.
Masuuliyiinta ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka islamarkaana si fiican u qaabileen taageerayaasha labada kooxood ee ciyaarta daawanayay.