Cawaale Shirwac oo Nasiib darro ku tilmaamay Tallaabadii KULMIYE ku Horjoogsaday Hankiisii Siyaasadeed

Hargeysa(Qaran news)-Cawaale Ibraahim Shirwac oo ahaa Wasiirkii ee Qorshaynta Somaliland ayaa sheegay in haddii KULMIYE ogolaan lahaa in si xor ah loo taramo uu maanta dhaami lahaa sida xaaladiisu tahay.

Wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyay facebookga oo u qornaa sidan:-

“Xisbiga Kulmiye haddii uu noo ogolaan lahaa in aan xisbiga dhexdiisa si xor iyo xalaal ah uga dhex tartano, oo intayada hanka siyaasadeed lahayd loo ogolaan lahaa in aan tartano, bal is weydii fursada Xisbigu lahaan lahaa maanta.

Maalinta sawirka hoose waxa aan shaaciyay in aan rabo in aan Xisbiga dhexdiisa ka tartamo, una ordo Jagada musharraxa madaxweyne ku xigeenka. Waan haystay taageero badan oo xubnaha golaha dhexe iyo taageerayaasha xisbiga ee dhalinyarta ahaa.

Nasiib darro Hoggaanka Xisbiga KULMIYE ayaa aniga iyo qaar kaleba ka hor jooogsaday in ay tartamaan.

Faith Accompli bay sheekada ahayd.

Aniga iyo jiilkayga ayay ahayd in aan hoggaanka Xisbiga Kulmiye soo galno, wayse noqon wayday. Hada waa in aan raadinaa qaab kale oo aan wadanka wax ugu tarno, arrin iyo ficilba”.