Siyaasi Jawaab ka Bixiyay Hadal Xanaf leh oo ka soo Yeedhay Axmed Karaash

Hargeysa(Qaran news)- Mustafe Cabdi Ciise oo ah siyaasi reer Ceerigaabo ah, ayaa ka jawaab ka bixiyay hadal xanafle oo ka soo yeedhay madaxweyne kuxigeenka Puntland.

Mustafe Shiine wuxuu sheegay dadka reer Ceerigaabo ay yihiin dad is dhalay oo aan u baahnayn belo.

Sidaasna wuxuu ku sheegay qoraal dheer oo uu kaga falceliyay hadalkii Axmed Karaash oo u qornaa sidan:-

“Ceerigaabo waxa wada yaal dad is ah oon balo u baahnayn.

Awoowgay Axmed karaash waxaan lee yahay arrinta Ceerigaabo u daa Maxamed Cabdi Maalik, shalayna isagaa colaadeeda ogaa, maantana nabadeeda garanaaya.

Magaalada Ceerigaabo ma jirto belo ay waayeelkeedu wadaan oo waa dad dhalooyo ah oo is ogol ah, se dhalinyarada aan xaajo aqoonka ahayni maanta maaha meel ay ka talin karaan.

Sida aan ogahay waxgaradka deegaanku mid uun bey ka midaysan yihiin ah in nabada si wada jir ah looga wada shaqeeyo waxana ay dhisteen guddi Afar beelood ah oo gudoomiye u yahay Ina Cabdi Maalik, kuwaasi oo si toos ah ula shaqeeya guddida nabadgeoyada ee gobolka.

Colaada gobolka Sool ay ka rideen rag dan leh oo maquuniyay waayelkii Laascaanood maaha in loo soo raro Ceerigaabo oo lagu wada joogi karo oo keliya nabadgelyo.

Si kastaba xaalku ha noqdee waxaan Awoowe ku lee yahay ha na gelin dab aadan hadhow waxba ka qaban karin.”