Xisbiga WADDANI ayaa xaflad weyn oo soo dhawayn ah u sameeyay 23 xubnood oo iskugu jira Xildhibaano, siyaasiyiina iyo haldoor oo ka soo jeeda beesha Ciise Muuse ee degta gobollada Saaxil, Maroodi-jeex iyo Togdheer.
Xafladan waxa ka soo qayb-galay madaxda ugu sarraysa xisbiga WADDANI oo ay hoggaaminayaan murrashaxa madaxweynaha Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo guddoomiyaha xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan madax-dhaqameed iyo dadweyne aad u tiro badan.