Siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda degmada Allaybaday ee gobolka Gabiley ayaa ku biiray xisbiga rajada ah ee WADDANI.

Waxa caawa kulan gaar ah iyo is xog waraysi yeeshay Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda degmada Allaybaday ee gobolka Gabiley ayaa ku biiray xisbiga rajada ah ee WADDANI.

Kulankan oo ahaa mid si weyn loo soo agaasimay ayaa siyaasiyiinta iyo waxgaradka degmada Allaybaday waxay cadeeyeen inay go’aansadeen inay ku biiraan xisbiga Waddani si ay u dhistaan ​​musharaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani iyo ku xigeenkiisa. Sidoo kale xisbiga Wadani ayaa u codayn doona.

Murashaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa soo dhaweeyey siyaasiyiinta iyo waxgaradka gobolkaasi oo uu sheegay inay diyaar u yihiin isbedel doonka xisbiga Waddani isagoo hoosta ka xarriiqay in xisbigu yahay mid waddani ah, shacabka Somaliland-na ay wada joogaan.